Daawo: Maxkamadda Gobolka oo guda gashay kiiska Sacdiyo Bajaaj kadibna…
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u gada gashay kiiska Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj), taas oo muddo 50 cisho ah u xiran dowladda Soomaaliya. Maxkamadeynta oo goor hore oo saaka ah bilaabatay ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin hore, ehellada iyo dhalinyaro buux dhaafiyay hoolka, […] The post Daawo: Max

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u gada gashay kiiska Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj), taas oo muddo 50 cisho ah u xiran dowladda Soomaaliya.
Maxkamadeynta oo goor hore oo saaka ah bilaabatay ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin hore, ehellada iyo dhalinyaro buux dhaafiyay hoolka, si ay goobjoog u noqdaan dhageysiga dacwadda loo haysto Sacdiyo Bajaaj.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Sacdiyo kusoo eedeeyay laba kiis oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah aflaado madaxeed iyo kicin bulsho.
Dooda markii la guda galay ayaa waxaa is hortaag sameeyay qareennada difaacaya Sacdiyo Macallin Xasan oo dalbaday in lasoo caddeeyo kiisaska iyo nooca ay yihiin, si loo sugo cadeymaha loo baahan yahay in go’aan lagu gaaro.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan