Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Dagaal Xooggan oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baydhabo

Baydhabo – Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada taageersan L

SO
Dagaal Xooggan oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baydhabo
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Dagaal culus ayaa ka socda duleedka magaalada Baydhabo oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Maxaa la shaaciyey

  1. Ciidamada taageersan Lafta Gareen ayaa maalmihii dambe abaabul ciidan ka waday deegaanno ku dhow Baydhabo.
  2. Geerida saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay, kuwaas oo kala ahaa Taliye Yoonis iyo Taliye Cali Adoow.
  3. Xiisadda ayaa sare u kacday xilli dhawaan magaalada Baydhabo ay ka dhacday doorashada golaha deegaanka.

Macnaha guud

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaafaad siyaasadeed iyo amni oo ka taagan deegaanka Baydhabo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay.

Taliye Yoonis, Taliye Cali Adoow
Duleedka magaalada Baydhabo
2026-05-14

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka warqabaan saameynta colaadda iyo xaaladda amni ee sii xumaaneysa.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Baydhabo – Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada taageersan Lafta Gareen ay maalmihii dambe abaabul ciidan ka wadeen deegaanno ku dhow Baydhabo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Lafta Gareen ay dagaalka ku yeesheen awood dheeraad ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha guud ee labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay geerida saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ahaa taliye-yaashii Guutooyinka 9-aad iyo 8-aad ee Qaybta 60-aad, Taliye Yoonis iyo Taliye Cali Adoow. Saraakiishan ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dagaallada socda.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralduleedkamagaaladabaydhabo
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.