Dalka uu jaajuuska u ahaa madaxii sirdoonka Jarmalka ee la xiray oo la ogaaday
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in August Hanning, madaxii hore ee hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, la xiray isagoo wajahaya eedeymo la xiriira basaasnimo iyo bixinta siraha dowladda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wargeyska Jarmalka ee Der Spiegel ayaa Jimcihii sheegay in Hanning, oo hoggaaminayey hay’adda sirdoonka BND intii u dhaxeysay 1998-kii iyo 2005-tii, uu xiriir dhow la lahaa Wang Jianzheng, oo ahaa jeneraal sare oo ka tirsanaa ciidamada Shiinaha, isla markaana aqoon durugsan u lahaa arrimaha Jarmalka.
- Sida wargeysku sheegay, Hanning ayaa dhowr jeer safarro ku tagay Shiinaha kaddib markii uu ka fariistay xilkiisa, halkaas oo uu xiriir kula lahaa Wang, oo horay uga soo shaqeeyey safaaradda Shiinaha ee Jarmalkii Bari xilligii uu dalkaasi ku jiray nidaamkii shuuciga.
- Wang ayaa sidoo kale lagu tilmaamay khabiir ku xeeldheer arrimaha Jarmalka, waxaana uu afka Shiinaha u turjumay buugaag dhowr ah oo ku qornaa afka Jarmalka.
- Shaacinta xiriirkan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kaddib markii ciidamada ammaanka Jarmalka ay Talaadadii xireen Hanning, oo 80 jir ah, iyagoo ku eedeeyey inuu helay dokumentiyo sir ah oo dowladda leedahay, isla markaana qaar ka mid ah xogahaas u adeegsaday hawlo la xiriira sirdoon shisheeye.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa walaacyada ku saabsan ilaalinta xogaha qaranka iyo saamaynta ay ku yeelan karto kalsoonida sirdoonka Jarmalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay caddeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha loo haysto Hanning?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- August Hanning, madaxii hore ee hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, ayaa xabsiga ku jira isagoo wajahaya eedeymo la xiriira basaasnimo iyo bixinta siraha dowladda.
- Hanning ayaa xiriir dhow la lahaa Wang Jianzheng, oo ahaa jeneraal sare oo ka tirsanaa ciidamada Shiinaha.
- Waxaa la tuhunsan yahay in ku dhowaad 2,000 oo dokumenti loo gudbiyey Hanning muddo 12 sano ah, kuwaas oo qaar badan ay ahaayeen xog sir ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Berlin (Caasimada Online) – Faahfaahin cusub ayaa kasoo baxaysa xiriir muddo dheer ka dhaxeeyey madaxii hore ee hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, August Hanning, iyo sarkaal sare oo hore uga tirsanaa milateriga Shiinaha, xilli Hanning uu xabsiga ugu jiro eedeymo la xiriira basaasnimo iyo bixinta siraha dowladda.
Wargeyska Jarmalka ee Der Spiegel ayaa Jimcihii sheegay in Hanning, oo hoggaaminayey hay’adda sirdoonka BND intii u dhaxeysay 1998-kii iyo 2005-tii, uu xiriir dhow la lahaa Wang Jianzheng, oo ahaa jeneraal sare oo ka tirsanaa ciidamada Shiinaha, isla markaana aqoon durugsan u lahaa arrimaha Jarmalka.
Sida wargeysku sheegay, Hanning ayaa dhowr jeer safarro ku tagay Shiinaha kaddib markii uu ka fariistay xilkiisa, halkaas oo uu xiriir kula lahaa Wang, oo horay uga soo shaqeeyey safaaradda Shiinaha ee Jarmalkii Bari xilligii uu dalkaasi ku jiray nidaamkii shuuciga.
Wang ayaa sidoo kale lagu tilmaamay khabiir ku xeeldheer arrimaha Jarmalka, waxaana uu afka Shiinaha u turjumay buugaag dhowr ah oo ku qornaa afka Jarmalka.
Shaacinta xiriirkan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kaddib markii ciidamada ammaanka Jarmalka ay Talaadadii xireen Hanning, oo 80 jir ah, iyagoo ku eedeeyey inuu helay dokumentiyo sir ah oo dowladda leedahay, isla markaana qaar ka mid ah xogahaas u adeegsaday hawlo la xiriira sirdoon shisheeye.
Si kastaba, mas’uuliyiinta dacwad-oogista Jarmalka ayaan weli shaacin dalalka ama hay’adaha sirdoon ee la tuhunsan yahay inay heleen xogahaasi, mana jirto caddeyn si rasmi ah loo soo bandhigay oo muujinaysa in siraha lagu eedeeyey Hanning loo gudbiyey Shiinaha.
Baarayaasha ayaa ku eedeynaya Hanning inuu xogaha sirta ah ka heli jiray madaxii hore ee xafiiskiisa, oo magaciisa lagu sheegay Manfred D., kaas oo sii watay shaqada hay’adda BND kaddib markii Hanning uu xilka ka degay.
Sida ay dacwad-oogayaashu sheegeen, labada nin ayaa sanadkii 2010-kii ku heshiiyey in Manfred uu Hanning si joogto ah ugu gudbiyo xogaha sirdoonka, isagoo taas beddelkeeda lacago ka qaadanayey.
Waxaa la tuhunsan yahay in ku dhowaad 2,000 oo dokumenti loo gudbiyey Hanning muddo 12 sano ah, kuwaas oo qaar badan ay ahaayeen xog sir ah oo loogu talagalay isticmaalka gudaha ee hay’adda BND iyo warbixinnada amniga ee loo diyaariyo madaxda dowladda.
Dacwad-oogayaashu waxay sidoo kale sheegeen in Hanning uu xogahaas uga faa’iideystay shaqooyin gaar loo leeyahay oo la xiriira la-talinta amniga, kuwaas oo uu bilaabay markii uu ka tegay hay’adda sirdoonka.
Qareenka Hanning, Leon Kruse, ayaa beeniyey in macmiilkiisu uu xogaha sirta ah u gudbiyey cid waxyeello u geysan karta danaha Jarmalka, isagoo ku adkeystay in eedeymaha loo haysto aysan sal lahayn, isla markaana si khaldan dacwad loogu soo oogay.
Kiiskan ayaa walaac weyn ka dhex abuuray hay’adaha amniga Jarmalka iyo kuwa dalalka ay xulafada yihiin, kuwaas oo doonaya inay ogaadaan in xogihii sirta ahaa ee ay wadaagi jireen ay gaareen gacmo shisheeye.
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay si dhab ah u qaadanayso eedeymaha, isla markaana ay taageerayso baaritaanka socda, iyadoo kiiskani uu dib u soo celiyey su’aalaha ku saabsan sida loo ilaaliyo xogaha sirdoonka marka saraakiisha sare ay ka fariistaan xilalkooda.
Kiiskan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli dowladda Jarmalka ay waddo qorshe lagu ballaarinayo awoodaha hay’adaha sirdoonka dalka, si ay uga hortagaan khataraha amni ee sii kordhaya.
Fadeexadda cusub ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo ilaalinta xogaha qaranka iyo kalsoonida ay hay’adaha sirdoonka dalalka xulafada ahi ku qabaan sirdoonka Jarmalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in August Hanning, madaxii hore ee hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, la xiray isagoo wajahaya eedeymo la xiriira basaasnimo iyo bixinta siraha dowladda.
Qodobada muhiimka ah
- August Hanning, madaxii hore ee hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, ayaa xabsiga ku jira isagoo wajahaya eedeymo la xiriira basaasnimo iyo bixinta siraha dowladda.
- Hanning ayaa xiriir dhow la lahaa Wang Jianzheng, oo ahaa jeneraal sare oo ka tirsanaa ciidamada Shiinaha.
- Waxaa la tuhunsan yahay in ku dhowaad 2,000 oo dokumenti loo gudbiyey Hanning muddo 12 sano ah, kuwaas oo qaar badan ay ahaayeen xog sir ah.
- Qareenka Hanning, Leon Kruse, ayaa beeniyey in macmiilkiisu uu xogaha sirta ah u gudbiyey cid waxyeello u geysan karta danaha Jarmalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha loo haysto Hanning.
- Ma cadda dalalka ama hay’adaha sirdoonka ee la tuhunsan yahay inay heleen xogaha la sifeeyey.
- Ma jiro jawaab ka timid Hanning oo ku saabsan eedeymaha gaarka ah.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladdan waxay keentaa su'aalo muhiim ah oo ku saabsan amniga xogaha xasaasiga ah ee hay'adaha sirdoonka.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay caddeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha loo haysto Hanning?
- Waa maxay tallaabooyinka ay Jarmalku qaadi doonto si looga hortago sifeeynta xogaha sirta ah mustaqbalka?
- Sidee kiiskani u saameyn doonaa xiriirka sirdoonka Jarmalka iyo dalalka xulafada ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa walaacyada ku saabsan ilaalinta xogaha qaranka iyo saamaynta ay ku yeelan karto kalsoonida sirdoonka Jarmalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · jarmalka · sirdoonka
Sii akhri
- Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Nairobi ku Qaabilay Saxafiyiin Soomaaliyeed oo Tababar IGAD uga Qaybgalay Machakos
Shabelle Media
- Kadib kulan ka dhacay Villa Soomaaliya, DF oo xaqiijisay in…
Caasimada Online
- Danjiraha Dalka Ciraaq oo Booqasho shaqo ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya
Hiiraanweyn