DF iyo maamul goboleedyada oo heshiis ka gaaray…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Shirkii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, iyadoo diiradda la saaray xoojinta iskaashiga maaliyadeed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayKulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in xogta is-qiimeynta dib loogu laabto si loo hubiyo tayada iyo saxnaanta xogta la ururiyay.
- Muddo laba maalmood ah oo ay socdeen wada-hadallada, dhinacyadu waxay xoogga saareen dardargelinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta maaliyadeed ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
- Wakiillo ka socday HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Waqooyi Bari iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-galay shirka, iyadoo ajandayaasha kulanka ay ka mid ahaayeen mideynta nidaamka canshuuraha iyo qoondada kabka miisaaniyadda dowlad-goboleedyada.
- Natiijada is-qiimeyntii afaraad ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa kamid ahayd qodobadii lagu heshiiyay, iyadoo la isla qaatay in natiijadaas loo adeegsado saldhigga lagu go’aaminayo qoondada kabka miisaaniyadda dalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hirgeliyo heshiisyada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Shirkii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.
- Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
- Nidaamka mideysan uu dhaqan galo bisha Janaayo 2027.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayay xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Muddo laba maalmood ah oo ay socdeen wada-hadallada, dhinacyadu waxay xoogga saareen dardargelinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta maaliyadeed ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Wakiillo ka socday HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Waqooyi Bari iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-galay shirka, iyadoo ajandayaasha kulanka ay ka mid ahaayeen mideynta nidaamka canshuuraha iyo qoondada kabka miisaaniyadda dowlad-goboleedyada.
Natiijada is-qiimeyntii afaraad ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa kamid ahayd qodobadii lagu heshiiyay, iyadoo la isla qaatay in natiijadaas loo adeegsado saldhigga lagu go’aaminayo qoondada kabka miisaaniyadda dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in xogta is-qiimeynta dib loogu laabto si loo hubiyo tayada iyo saxnaanta xogta la ururiyay.
Dhanka canshuuraha, wasiirradu waxay isla meel dhigeen in la dhammaystiro heshiiska qaab-qoraalka ah ee hirgelinta canshuurta iibka mideysan ee heer dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Waxaa sidoo kale la isku raacay in nidaamka mideysan uu dhaqan galo bisha Janaayo 2027, iyadoo hawlaha farsamo ee ka dhiman lagu dhammaystirayo ka hor waqtigaas.
Qodob kale oo muhiim ah ayaa ahaa siyaasadda nidaaminta iyo hay’adaynta shaqada Guddiga Maaliyadda Dalka, iyadoo laga wada hadlay qaabka shaqo ee guddiga, waajibaadka saaran, habraaca kulamada iyo go’aannada, iyo sii joogteynta wada-xaajoodyada arrimaha maaliyadda dalka.
Muddo toban sano ah oo ay soo shaqeynayeen Guddiga Farsamada ee IGFF-TC iyo Madasha Wasiirrada Maaliyadda ayaa sidoo kale lagu sameeyay dib-u-eegis, iyadoo la soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo shaqadii ay qabteen.
Kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka laga gaaray wada-shaqeynta, waxaana la isla qaatay in dib-u-eegista waxqabadka iyo kulamada madashu ay sii socdaan.
Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay qoondada kabka miisaaniyadda dowlad-goboleedyada ee mashruuca RCRF ee sannadka 2027.
Heshiiska ayaa dhigaya in dowlad-goboleedyadu mudnaanta siiyaan hagaajinta iyo sare u qaadista dakhliga gudaha si ay u daboolaan kharashaadka daruuriga ah sida mushaharka iyo adeegyada kale, iyadoo sidoo kale la isla qaatay in maamulladu si siman u wadaagaan qoondada kabka miisaaniyadda RCRF ee 2027.
Dowlad-goboleed kasta waxaa sidoo kale laga doonayaa inuu ku dadaalo xaqiijinta iyo fulinta shuruudaha isticmaalka qoondada loo qoondeeyay, si loo hubiyo in dhaqaalahaasi u waafaqsanaado shuruudaha iyo ujeeddooyinka loogu talagalay.
Geba-gabadii shirka ayaa dhinacyadu soo saareen warmurtiyeed ka kooban qodobadii ay ku heshiiyeen, kaas oo lagu soo afjaray doodihii iyo falanqeyntii labada maalmood socotay. Heshiisyada ayaa u dhigna sidan:
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Shirkii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, iyadoo diiradda la saaray xoojinta iskaashiga maaliyadeed.
Qodobada muhiimka ah
- Shirkii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.
- Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
- Nidaamka mideysan uu dhaqan galo bisha Janaayo 2027.
- Geba-gabadii shirka ayaa dhinacyadu soo saareen warmurtiyeed ka kooban qodobadii ay ku heshiiyeen.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan heshiisyada la gaaray laguma bixin.
- Faahfaahinta ku saabsan natiijooyinka gaarka ah ee shirka waxay ku saleysan tahay kaliya warbixinta maqaalka.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa soo saaray heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga maaliyadeed ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hirgeliyo heshiisyada?
- Sidee loo kormeeri doonaa oo loo qiimeyn doonaa iskaashiga maaliyadeed?
- Maxay yihiin saameynta nidaamka canshuurta mideysan ee dowladaha hoose?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · goboleedyada · gaaray · heshiis
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Xoojinta Xiriirkooda
Hiiraanweyn
- Markabka Turkiga ee Oruc Reis oo gaaray Dalka Pakistan si uu u bilaabo sahamin
Hiiraanweyn
- Shirka 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Hiiraanweyn