DF oo koronto raqiis ah ka soo dhoofinaysa Itoobiya
Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku dhow inay dhammeystirto qorsheyaal ay koronto uga soo iibsaneyso dalka Itoobiya, tallaabo dowladda federaalka ay ku tilmaamayso mid wax weyn ka beddeli karta qiimaha korontada dalka, isla markaana xoojin karta isku xirnaanta dhaqaale ee Geeska Afrika. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay [&#

Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay koronto ka soo iibsato Itoobiya si loo yareeyo qiimaha korontada dalka.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in koronto laga soo qaadi doono Itoobiya.
- Korontada ayaa lagu xirey magaalada Doolow, Wajaale, iyo Goldogob, iyadoo la rajeynayo in qiimaha korontada hoos loo dhigo ilaa shan senti halkii kilowatt-hour.
- Mashruucan wuxuu taageero ka helayaa Bankiga Adduunka, waxaana la sameeyay daraasado suurta-galnimo.
Macnaha guud
Soomaaliya ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka Afrika ee korontada ugu qaalisan, iyadoo dad badan ay ku tiirsan yihiin koronto laga helo shirkado gaar loo leeyahay.
“Mashruucu marayo marxalad diyaar-garow ah, ayna qeyb ka tahay dadaalka lagu ballaarinayo helitaanka koronto jaban oo la isku halleyn karo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Hirgelinta qorshahan waxay fursad u siin kartaa Soomaaliya inay yareyso kharashaadka korontada, taasoo saameyn togan ku yeelan karta ganacsiga iyo nolosha qoysaska.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku dhow inay dhammeystirto qorsheyaal ay koronto uga soo iibsaneyso dalka Itoobiya, tallaabo dowladda federaalka ay ku tilmaamayso mid wax weyn ka beddeli karta qiimaha korontada dalka, isla markaana xoojin karta isku xirnaanta dhaqaale ee Geeska Afrika.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka shaqeyneyso qorshe farsamo iyo sharci oo lagu suurta-gelinayo in koronto laga soo qaado shabakadda koronto ee Itoobiya, kadibna lagu xiro magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa arrintan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, isagoo caddeeyay in mashruucu marayo marxalad diyaar-garow ah, ayna qeyb ka tahay dadaalka lagu ballaarinayo helitaanka koronto jaban oo la isku halleyn karo.
Sida uu sheegay Bidhaan, korontada Itoobiya ayaa Soomaaliya uga soo geli doonta saddex marin oo muhiim ah: Doolow, Wajaale iyo Goldogob. Kadib marka ay korontadu soo gaarto goobahaas xuduudda ah, waxaa la qorsheynayaa in lagu xiro shabakado gudaha ah oo gaarsiin kara magaalooyinka iyo xarumaha ganacsiga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan