DF Soomaaliya oo deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka, siina deysay…
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii deysay qaar kamid ah dadkii loo xiray banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigan in dowladdu deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii saaka wada-hadallo uga furmeen xerada Xalane Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo mucaaradka uu shuruudda koow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii deysay qaar kamid ah dadkii loo xiray banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maxaa la shaaciyey
- Dowladdu waxay deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka ee ku saabsan sii deynta dadka shacabka ah.
- Wada-hadallo ayaa ka dhacay xerada Xalane, iyadoo mucaaradka uu shuruud ka dhigay sii deynta dadka la xiray.
- Kulamada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadanaya dejinta xiisadda siyaasadeed.
Macnaha guud
Kulamada ayaa ku yimid kadib markii mucaaradku dalbaday in la sii daayo dadka shacabka ah ee loo xiray aragtiyahooda.
“Kulamada saaka bilowday ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee lagu qabto Xalane.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tani waxay muujinaysaa isbedel siyaasadeed oo muhiim ah oo ka socda Soomaaliya, iyadoo la wajahayo khilaaf ku saabsan doorashooyinka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii deysay qaar kamid ah dadkii loo xiray banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigan in dowladdu deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii saaka wada-hadallo uga furmeen xerada Xalane Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo mucaaradka uu shuruudda koowaad ka dhigay sii deynta dadka shacabka ah ee loo xiray aragtiyahooda iyo cabashooyinkii ay muujiyeen dartood.
Kulamada u dhexeeya labada dhinac, oo ay garwadeen ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa haatan door muhiim ah ka qaadanaya dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la guda galo dood ku saabsan nooca doorasho ee dalka iyo waqtiga ay qabsoomeyso, iyadoo Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan