DF Soomaaliya oo taageero wayn muujisay Kuwait kadib markii…
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero wayn u muujisay dowladda Kuwait oo mar kale weerarro gantaallo ah kala kulantay Iran, oo weli beegsi ku haysa xulafada dhow ee Mareykanka. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa loogu muujiyay dowladda Kuwait, kadib markii dhulkeeda lagu bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duu

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero wayn u muujisay dowladda Kuwait oo mar kale weerarro gantaallo ah kala kulantay Iran, oo weli beegsi ku haysa xulafada dhow ee Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa loogu muujiyay dowladda Kuwait, kadib markii dhulkeeda lagu bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo fuliyay weerar gantaallo ah.
Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkan, iyada oo tilmaamay inuu falkan halis ku yahay nabadda iyo xasiloonida dhammaan dalalka Khaliijka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarradan, waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida, iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Kuwait. Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan