Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Soo Xiray Shirka Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Dalka
Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay laguna ansixiyay qodobbada la xiriira Siyaasadda Qaran […]

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- Shirka ayaa ka socday magaalada Muqdisho labadii maalmood ee la soo dhaafay.
- Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa ka qeyb gashay shirka.
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go’an hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan ayaa muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maadaama uu ka hadlayo baahiyaha guriyeynta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay laguna ansixiyay qodobbada la xiriira Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha dhiggooda ah ee dowlad-goboleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo baahiyaha guriyeynta bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha shirka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS dadaalka iyo waqtiga ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan