Dowlada Soomaaliya oo maanta qaadatay go'aan culus oo ka dhan ah imaaraadka
Waxa dhacay
Hal il · BBC Somali
Dowlada Soomaaliya ayaa qaadatay go'aan culus oo ka dhan ah Imaaraadka, iyadoo safiirka Imaaraadka Carabta ka dalbatay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa hadal laga sii daayay warbaahinta dowladda ku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya Imaaraadka Carabta, si uu dalka dib ugu soo laabto.
- Go'aankan ayaa lagu gaaray kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaddib markii Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu wiiqayo madax-bannaanida iyo amniga qaranka.
- War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu amray inay u yeerto safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, si wadatashi loogu sameeyo, isla markaana ay safiirka Imaaraadka ku wargeliso inuu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood gudahood ah.
- Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale sheegay inay dib u eegeen warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ka diyaarisay heerka faragelinta Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, sida ay dowladdu ku tilmaantay.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee keenay go'aanka dowlada Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowlada Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ka dalbatay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
- Go'aankan ayaa lagu gaaray kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
- Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dowlada Soomaaliya oo maanta qaadatay go'aan culus oo ka dhan ah imaaraadka
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegay in dowladda ay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ka dalbatay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa hadal laga sii daayay warbaahinta dowladda ku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya Imaaraadka Carabta, si uu dalka dib ugu soo laabto.
Go'aankan ayaa lagu gaaray kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaddib markii Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu wiiqayo madax-bannaanida iyo amniga qaranka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu amray inay u yeerto safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, si wadatashi loogu sameeyo, isla markaana ay safiirka Imaaraadka ku wargeliso inuu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood gudahood ah.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale sheegay inay dib u eegeen warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ka diyaarisay heerka faragelinta Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, sida ay dowladdu ku tilmaantay.
Xiriirka labada dhinac oo gaaray meeshi ugu hooseysay
Go'aankan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta dawladda kala hadlay shacabka uu si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
"Muddo sannado ah, Imaaraadka Carabta waxay si joogto ah u faragelineysay arrimaheenna gudaha iyo siyaasaddeenna qarannimo, isaga oo hareer marayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sharciga ah" ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay shan qodob oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin faragalinta Imaaraadka ee arimaha gudaha ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiisyo dekedeed uu la galay maamull goboleedyo, kuwaas oo ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dekedahaasi ma aha buu yiri hanti ay maamul goboleedyo gaar ahi leeyihiin.
Xasan Sheekh waxa kale oo uu faragalinta Imaaraadka ku sheegay inuu dhisay saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Soomaaliya, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladdiisa.
"Ciidan aan ka amar qaadan talisyada qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay'adaha amniga dalka. Xilli aan si weyn ugu baahnnahay isku-duubni si aan ula dagaallanno argagixisada caalamiga ayeey abuureen ciidamo iyo qaab-dhismeedyo amni oo isbarbar socda, kuwaas oo wiiqaya awoodda iyo isku-duubnida amniga qaranka" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowlada Soomaaliya ayaa qaadatay go'aan culus oo ka dhan ah Imaaraadka, iyadoo safiirka Imaaraadka Carabta ka dalbatay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah. Go'aankan ayaa ku xiran eedeymo la xiriira faragelin Imaaraadka ku sameeyay arrimaha gudaha Soomaaliya.
Qodobada muhiimka ah
- Dowlada Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ka dalbatay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
- Go'aankan ayaa lagu gaaray kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
- Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid Imaaraadka oo ku saabsan eedeymaha.
- Eedeymaha ku saabsan faragelinta Imaaraadka waxay ku saleysan yihiin hadallo ka soo baxay mas'uuliyiin Soomaaliyeed.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ay dowlada Soomaaliya soo jeedisay.
Gunaanadka akhristaha
Dowlada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay in safiirka Imaaraadka Carabta uu dalka ka baxo, iyadoo sabab uga dhigaysa faragelin ku saabsan arrimaha gudaha.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee keenay go'aanka dowlada Soomaaliya?
- Sidee ayey go'aankan u saameyn doonaa xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhalan kara go'aankan ee muwaadiniinta ama ganacsiyada Soomaaliyeed ee la xiriira Imaaraadka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: world · general · imaaraadka · soomaaliya · dhan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada