Dowladda Biritayn oo digniin ka soo saartay Togdheer, Sanaag iyo Sool
Dowladda Biritayn ayaa cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay ku safraan… Sii akhri
Dowladda Biritayn ayaa cusboonaysiisay digniinta safarka ee Soomaaliya, iyadoo muwaadiniinteeda uga digtay in ay ku safraan gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool.
Maxaa la shaaciyey
- Dowladda Biritayn waxay mamnuucday dhammaan safarada lagu tagayo Soomaaliya.
- Digniinta ayaa la xiriirta khataraha amni iyo weerarada kooxaha argagixisada.
- Dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa sii xoogeystay.
Macnaha guud
Digniinta ayaa timid kadib markii ay kordheen khataraha amni ee ka jira Soomaaliya.
“Dowladda Biritayn waxay sheegtay in qof kasta oo go’aansada in uu sii joogo Soomaaliya looga baahan yahay in uu yeesho qorshe degdeg ah oo u gaar ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah ayaa u baahan in ay ka warqabaan xaaladaha amni ee dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dowladda Biritayn ayaa cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay ku safraan qaybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga.
Warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa lagu sheegay in ay dowladda Biritayn mamnuucday dhammaan safarada lagu tagayo Soomaaliya oo ay ku jiraan gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, sababo la xiriira khataraha amni iyo weerarada ay geystaan kooxaha argagixisada.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay sii xoogeysteen, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Muqdisho.
Dowladda Biritayn waxay sheegtay in qof kasta oo go’aansada in uu sii joogo Soomaaliya looga baahan yahay in uu yeesho qorshe degdeg ah oo u gaar ah, maadaama aanu ku tiirsanaan karin taageero rasmi ah oo dowladda Biritayn ah haddii xaalad degdeg ah dhacdo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan