Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Dowladda Soomaaliya oo muddo dheer kaddib ku guuleysatay in kooxda AS Lagasaaro inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye.
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Ciidanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib ku guuleysatay inay nadiifiso deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye, kuwaas oo muddo dheer saldhig u ahaa howlgallada kooxda argagixisada ee Al shabaab Deegaannadan ku teedsan Wabiga Shabeelle ayaa kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada. Qabsashadooda waxay […] T
Ciidanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay nadiifiso deegaanno u dhexeeya Balcad iyo Afgooye oo ay Al Shabaab ku lahaayeen saldhig.
Maxaa la shaaciyey
- Dowladda Soomaaliya ayaa nadiifisay deegaanno muhiim ah oo ay Al Shabaab ka talinayeen.
- Deegaannadan ayaa horey u ahaa saldhigyo ay kooxda Al Shabaab u adeegsan jirtay abaabulka weerarrada.
- Haddii ciidamada dowladda ay sii joogteeyaan gacan-ku-haynta deegaannadan, waxay wiiqi kartaa awoodda Al Shabaab ee Muqdisho.
“Qabsashadooda waxay xambaarsan tahay guul weyn oo ciidamada Soomaaliya gaareen.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tani waxay muujinaysaa horumar ka socda dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasoo muhiim u ah amniga Soomaaliya.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Ciidanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib ku guuleysatay inay nadiifiso deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye, kuwaas oo muddo dheer saldhig u ahaa howlgallada kooxda argagixisada ee Al shabaab
Deegaannadan ku teedsan Wabiga Shabeelle ayaa kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada. Qabsashadooda waxay xambaarsan tahay guul weyn oo ciidamada Soomaaliya gaareen, iyadoo dagaalladii ka dhacay aaggaas ay horey ugu dhinteen saraakiil caan ah, oo uu ka mid ahaa AUN General Farxaan Qaroole.
Haddii ciidamada dowladda ay sii joogteeyaan gacan-ku-haynta deegaannadan, waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda AS ee deegaanada ku dhow Magaalada Muqdisho.
Horay waxaa ay Dowladda Soomaaliya u nadiifiyay oo ay Kooxda Al shabaab ka saareen wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.