Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u qorsheeyay dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda. Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh adeegyada aas
Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda.
Maxaa la shaaciyey
- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qorsheynaya in dib-u-dejin lagu sameeyo qoysaska ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta.
- 1,058 boos oo dhul ah ayaa la iibiyay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta.
- Qorshaha dib-u-dejinta ayaa la ballaarin doonaa iyadoo dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaley.
“tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud”
Sababta ay muhiim u tahay: Qorshahan dib-u-dejinta ayaa muhiim u ah shacabka Muqdisho si loo hubiyo in ay helaan guryo iyo adeegyo aasaasi ah.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u qorsheeyay dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda.
Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, sida biyaha iyo korontada. Sidoo kale, waxaa loo qorsheeyay in laga hirgeliyo suuq, masaajid iyo rug caafimaad.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo faraya in casriyeynta Caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.
Waxa uu xusay in 1,058 (kun iyo konton iyo siddeed) boos oo dhul ah uu Maamulka Gobolka Banaadir u iibiyay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku soo aadeen jidadka laga bixinayo xaafadaha isku-raranka ah (Obasiibooyinka).
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.