Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka rabshadaha wata, Mudane Aweys Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada xafiis, gaar ahaan dadaallada lagu xakam
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka rabshadaha wata, Mudane Aweys Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada xafiis, gaar ahaan dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka fikradaha xagjirka ah, kor u qaadista wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo doorka ay ciyaaraha iyo barnaamijyada dhalinyarada ka qaadan karaan dhismaha nabadda, midnimada bulshada, iyo ka hortagga xagjirnimada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado wax-ku-ool ah oo dhiirrigeliya nabadda, hoggaaminta wanaagsan, iyo ka qeyb qaadashada horumarka dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan