Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Goobjoog Somaligeneral

FAN: MURAAYAD AY BULSHADU ISKA DAAWATO

Hor iyo horraan, sida diiwaanka ku taal, waxa ugu mudan ee suugaanta Soomaalida lagu ammaani karo waa maansada. Ka gadaale, waa fanmasraxeedka! Suugaantu oo ah tab aadanuhu u adeegsado in…

SO
FAN: MURAAYAD AY BULSHADU ISKA DAAWATO
Sawir / xog muuqaal ah · Goobjoog Somali

Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan fanmasraxeedka, ayaa ah muraayad ay bulshadu iska daawato, iyadoo la falgasha dhacdooyinka iyo dareenka bulshada.

Maxaa la shaaciyey

  1. Fanmasraxeedka Soomaalida wuxuu ka soo ifbaxay 1930meeyadii magaalada Xamar.
  2. Fanka masraxu wuxuu ku biiray halganka gobannimada iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed.
  3. Fanmasraxeedka ayaa ka kooban laba walxood oo muhiim ah: jacayl iyo waddaniyad.

Fanmasraxeedka Soomaalidu waxa uu biqlay markii u horraysay rubuchorraadkii qarnigii tegay.

Xamar
2026-05-12

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan sida suugaantu u tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqankooda iyo taariikhdooda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Goobjoog Somali

Hor iyo horraan, sida diiwaanka ku taal, waxa ugu mudan ee suugaanta Soomaalida lagu ammaani karo waa maansada. Ka gadaale, waa fanmasraxeedka!

Suugaantu oo ah tab aadanuhu u adeegsado in uu isku dareencabbiro (self expression), isagoo ku muujiya doonistiisa, oo ku saafa afkaartiisa, kuna soo bandhigo adduun-araggiisa. Sidaas awgeed, suugaanta wanaagsan ee sida “fanaysan” loo curiyo, waa midda la falgasha dadkeeda ee ka jawaabta hadba shaacsanaha (phenomenon) la soo gudboonaada. Suugaantaasi weligeed ma duugowdo, mana hawlgabto.

Sida uu Maxamed Daahir Afrax ku tibaaxayo buuggiisa “Fanmasraxeedka Soomaalida: Raadraac Taariikheed iyo Riwaayado Caanbaxay (1987)” fanka masraxu dhowaansoogal buu ku yahay bulshada Soomaaliyeed, oo horraantii 1930meeyadii buu ka soo ifbaxay fagaarayaashii Xamar. Muddo yar gudaheed ayuu si siman ugu fiday guud ahaan dalka, isaga oo wata carcar cusub iyo qaabgudbin gaar ah; iskuna sidkaya murti iyo majaajilo; wacyigelin iyo waxsheeg suugaamaysan.

Fanmasraxeedka Soomaalidu waxa uu biqlay markii u horraysay rubuchorraadkii qarnigii tegay; kaas oo dheegasho, dhiraandhirin iyo hal-abuurba lahaa. Fanmasraxeedkaas ayaa ahaa muraayad ay bulshadu iska daawato: samaheeda iyo xumaheeda.

Isha: Goobjoog Somali. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Goobjoog Somali
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldaawatomuraayadbulshadu
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.