Fiqi oo shaaciyay ninkii ugu horreeyey ee jideeyey muddo kororsi
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo diiday muddo kordhinta halka sano ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ay hore uga walaacsanaayeen […] Th

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo diiday muddo kordhinta halka sano ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ay hore uga walaacsanaayeen in haddii bilo lagu daro muddo xileedka dowladda ay shacabka iyo siyaasiyiintu diidi karaan, balse uu hadda Xasan Sheekh si cad u muujiyay inuu doonayo muddo hal sano oo dheeraad ah.
“Aniga iyo Madaxweyne Saciid Deni waxaan ka welweleynay, war heedhe haddii bilo lagu daro dadku amey idinku diidaan. Waa run. Alxamdulillaah, hadda inuu soo istaago oo yiraahdo anaa sanad ku darsaday, oo afkiisa ka sheegto, waxaan is leeyahay waa meeshii uu ku dhiman lahaa ayuu taagan yahay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Sheekh Shariif uu yahay Madaxweynihii ugu horreeyay muddo xileedkiisii ku darsaday hal sano, isla markaana aysan jirin cid hanjabtay xilligiisii.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan