Garoowe oo qaaday koobka magaalada madaxyada gobollada Puntland
Xulka kubadda cagta caasimadda Garoowe ayaa ku guulaystay tartankii magaalo madaxyada gobollada Puntland ee ka socday magaalada Boosaaso. Garoowe iyo… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Xulka kubadda cagta caasimadda Garoowe ayaa ku guulaystay tartankii magaalo madaxyada gobollada Puntland ee ka socday magaalada Boosaaso.
Garoowe iyo Qardho ayaa galabta ciyaaray kulankii kama dambaysta ahaa, waxaana qaybtii labaad ee ciyaarta garoonka ka baxay xulka Qardho, kaddib markii lagu helay gool-ku-laad iyo caan la siiyay gool hayahooda.
Waxaana markii waqtigii caadiga ahaa dhammaaday dhibcihii la siiyay xulka Garoowe oo noqday magaaladii ugu horreysay ee qaaday tartanka caasimadaha Puntland oo sanadkan loogu magac-daray Calmiskaad Cup.
Garoowe iyo gobolka Nugaal ayaa tartamada kubadda cagta Puntland ugu guuleysi badan, iyaga oo haysta afar koob oo heer gobol ah iyo mid heer magaalo madax ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan