Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo u aqoonsaday Laftagareen hogaamiye ka tirsan Al-shabaab.
Axad 30 Aug 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xog ay ku tilmaameen kuwo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qaraxyo isdaba joog ah. Shir aan caadi ahayn oo […] The post Golaha Wasiir
Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed ayaa u aqoonsaday Cabdicasiis Laftagareen inuu yahay hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab.
Maxaa la shaaciyey
- Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in ay heleen caddeymo muujinaya iskaashi ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Cabdicasiis Laftagareen.
- Baydhabo ayaa lagu soo qaaday ku dhowaad 10 qarax oo isugu jiray gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo miinooyin ay wateen dad ismiidaamiyay.
- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in dowladda federaalka ay kordhiso taageerada amni iyo ciidan.
Macnaha guud
Xaaladda amni ee Baydhabo ayaa kacsan, iyadoo weerarro iyo qaraxyo isdaba joog ah ay ka dhaceen magaalada.
“Cabdicasiis uu wareysi uu bixiyay ku sheegay in cidiamada daacada u ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay si nabad ah ugu wada sugan yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan xiriirka ka dhexeeya kooxaha argagixisada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Axad 30 Aug 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xog ay ku tilmaameen kuwo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qaraxyo isdaba joog ah.
Shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa goluhu kaga hadlay xaaladda amni ee maamulka, gaar ahaan weerarradii iyo qaraxyadii ka dhacay Baydhabo 17-kii Agoosto.
Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in magaalada lagu soo qaaday ku dhowaad 10 qarax oo isugu jiray gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo miinooyin ay wateen dad ismiidaamiyay, kuwaas oo sida uu sheegay maamulka ka dhacay xarumo ciidan iyo goobo kale oo magaalada ka tirsan.
Warbixinta kasoo baxday shirka ayaa lagu sheegay in xogta ay soo gudbiyeen hay’adaha amniga ee Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ay muujinayaan xiriir u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyada uu hoggaamiyo Cabdicasiis.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.