Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Oo walaac ka muujiyey Dhacdo Ka Dhacday Jubbada Hoose
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdo ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in, iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdo ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in, iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, ay bilaabeen baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka la xiriira dhacdada. Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu la xiriirayo maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso arrintan.
GMXIQ ayaa adkeeyay muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabka bulshada, isagoo ugu baaqay hay’adaha amniga iyo garsoorka in ay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qaasim Axmed, ayaa tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan murugada leh.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan