Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Booqatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMaryan Qaasim Axmed ayaa booqatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si loo xoojiyo iskaashiga labada hay’adood.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayIskaashiga la qorsheynayo ayaa la xiriira cilmi-baarista sharciga, tahriibka iyo socdaalka, xuquuqda barakacayaasha iyo dadka nugul, helitaanka caddaaladda, diyaarinta daraasado iyo talooyin sharciyeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka.
- Guddoomiyaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Komishener Axmed Sheekh Xamsa, Komishener Farxaan Maxamed Jimcaale iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga.
- Masuuliyiinta soo dhaweeyey wafdiga waxaa ka mid ahaa Dr.
- Intii uu kulanku socday, madaxda Jaamacaddu waxay wafdiga warbixin ka siiyeen waxqabadka, horumarka iyo caqabadaha horyaalla Jaamacadda.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee la hirgelin doono natiijada booqashadan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa booqatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si loo xoojiyo iskaashiga labada hay’adood.
- Booqashadu waxay ka mid ahayd wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga cilmi-baarista iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan xuquuqul insaanka.
- Kulanku wuxuu muujiyay muhiimadda jaamacadaha ee kor u qaadista aqoonta iyo fahamka xuquuqul insaanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa booqasho shaqo ku tagtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada hay’adood ee dhinacyada cilmi-baarista, waxbarashada iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Guddoomiyaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Komishener Axmed Sheekh Xamsa, Komishener Farxaan Maxamed Jimcaale iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga. Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyo xarumaha cilmi-baarista ee Jaamacadda.
Masuuliyiinta soo dhaweeyey wafdiga waxaa ka mid ahaa Dr. Cali Cawil Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka, Dr. Hassan Ga’al, Hormuudka Kulliyadda Daraasaadka Sare iyo Cilmi-baarista, Said Osman Bashir, Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Tahriibka iyo Sharciga (MILES), iyo Kaltum Xirsi Dhiblawe, Agaasimaha Xarunta Hal-abuurka iyo Hoggaaminta Haweenka.
Intii uu kulanku socday, madaxda Jaamacaddu waxay wafdiga warbixin ka siiyeen waxqabadka, horumarka iyo caqabadaha horyaalla Jaamacadda. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga cilmi-baarista xuquuqul insaanka, wacyigelinta bulshada, awood-siinta haweenka, ilaalinta xuquuqda dadka nugul iyo horumarinta aqoonta sharciga.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray fursadaha wada-shaqayneed ee Guddiga iyo Xarunta Cilmi-baarista Tahriibka iyo Sharciga (MILES) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Iskaashiga la qorsheynayo ayaa la xiriira cilmi-baarista sharciga, tahriibka iyo socdaalka, xuquuqda barakacayaasha iyo dadka nugul, helitaanka caddaaladda, diyaarinta daraasado iyo talooyin sharciyeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa adkaysay doorka muhiimka ah ee Jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta, cilmi-baarista iyo fahamka xuquuqul insaanka, gaar ahaan dhallinyarada.
Waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo cilmi-baarista Jaamacadda looga faa’iidaysto wax ka qabashada caqabadaha xuquuqul insaanka ee dalka ka jira, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada iyo kuwa u xilsaaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii loo dhisi lahaa iskaashi joogto ah oo lagu hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo ku saabsan cilmi-baarista, tababarrada, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa booqatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si loo xoojiyo iskaashiga labada hay’adood.
Qodobada muhiimka ah
- Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa booqatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si loo xoojiyo iskaashiga labada hay’adood.
- Booqashadu waxay ka mid ahayd wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga cilmi-baarista iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan xuquuqul insaanka.
- Kulanku wuxuu muujiyay muhiimadda jaamacadaha ee kor u qaadista aqoonta iyo fahamka xuquuqul insaanka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan booqashada.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka maqaalka ma jiraan.
- Faahfaahinta ku saabsan natiijooyinka gaarka ah ee booqashada lama xusin.
Gunaanadka akhristaha
Booqashadu waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee la hirgelin doono natiijada booqashadan?
- Sidee loo kormeeri doonaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha?
- Waa maxay caqabadaha xuquuqul insaanka ee mudnaanta la siin doono iskaashiga mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · jaamacadda · insaanka · soomaaliyeed