Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed Macalin Saalax Cabdinuur Cali. Saraakiisha ayaa Gudd
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed Macalin Saalax Cabdinuur Cali.
Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo sida ay ciidamada amniga ugu guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad isku dayey inay falal amni-darro ka geystaan gudaha magaalada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen soo afjaridda maleeshiyaadkii isku dayey inay carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo, isagoo bogaadiyey geesinimada iyo heeganka ciidamada kala duwan ee amniga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan