Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sannad-guurada Aasaaska Shiinaha
Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda marka hore ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Shiinaha munaasabadda xuska sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Wuxuu xusay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo soo taxnaa muddo dheer, isagoo tilmaamay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada Baarlamaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, tiknoolajiyadda, horumarinta hay’adaha dowladda, ganacsiga, nabadda iyo amniga.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyay horumarka ballaaran ee Shiinuhu ku tallaabsaday tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, isagoo tilmaamay in khibradaha iyo iskaashiga labada dal ay gacan ka geysan karaan horumarinta dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Shiinaha, isagoo shacabka iyo dowladda Shiinaha u rajeeyay horumar, barwaaqo iyo nabad waarta.
Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, saraakiil, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · aasaaska · sannad · qaybgalay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada