Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka labada masuul waxaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga lagu garab istaagayo shacabka Soom

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka waxaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka.
- Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA.
- Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka culimada Soomaaliyeed.
Macnaha guud
Kulanka ayaa ka dhacay xilli dalka Soomaaliya uu wajahayo xaalado bani’aadannimo iyo musiibooyin kala duwan.
“Waxaan ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka culimada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadashada wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga bulshada iyo hay'adaha ka shaqeeya gargaarka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kulanka labada masuul waxaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga lagu garab istaagayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha bani’aadannimo iyo musiibooyinka kala duwan.
Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA kuwaas oo salka ku haya maareynta musiibooyinka iyo gurmadka loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan abaaraha, daadadka iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.
Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, waxuu uga mahadceliyey Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq,booqashada uu ku yimid Hay’adda, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka culimada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadashada wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo iyo wacyigelinta bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.