Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Radio Dalsangeneral

Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay shirkii AFROSAI-E

Axmed Ciise oo Monrovia kaga qayb galay shirkii 22aad ee AFROSAI-E Monrovia, Liberia – 23 May 2026 – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Monrovia ee dalka Liberia kaga qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Afrikada ku hadasha Ingiriiska (AFROSAI-E), kaas oo ay […]

SO
Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay shirkii AFROSAI-E
Sawir / xog muuqaal ah · Radio Dalsan

Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee AFROSAI-E oo ka dhacay Monrovia, Liberia.

Maxaa la shaaciyey

  1. Shirku wuxuu diiradda saaray xoojinta tayada baarista iyo adeegsiga falanqeynta xogta casriga ah.
  2. Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka hadlay fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha.
  3. Khubaro ka socotay Bangiga Adduunka iyo UNDP ayaa sheegay in Afrika ay u baahan tahay iskaashi si loo xoojiyo nidaamyada hantidhowrka.

Macnaha guud

Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay xoojiso awooddeeda kormeerka maaliyadda si ay u soo celiso kalsoonida caalamka.

“Waxaan si firfircoon uga qeyb qaadanay doodaha farsamo, fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha ee ay yeesheen Hay’adaha Hantidhowrka Guud.”

Mudane Axmed Ciise Guutaale
Monrovia, Liberia
2026-05-23

Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya maadaama hantidhowrku uu aasaas u yahay isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Radio Dalsan

Monrovia, Liberia – 23 May 2026 – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Monrovia ee dalka Liberia kaga qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Afrikada ku hadasha Ingiriiska (AFROSAI-E), kaas oo ay isugu yimaadeen Hantidhowrayaasha Guud iyo wafdiyo ka socday hay’adaha xubnaha ka ah iyo saaxiibbada bah-wadaagta caalamiga ah.

Shirkani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay Soomaaliya, iyadoo hantidhowrku uu yahay mid ka mid ah aasaaska ugu muhiimsan ee laga dhiso isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo joogteynta maaliyadeed. Soomaaliya, oo ka soo kabanayso sanado dhaawac iyo musuqmaasuq, waxay u baahan tahay in ay xoojiso awooddeeda kormeerka maaliyadda si ay u soo celiso kalsoonida caalamka.

“Waxaan si firfircoon uga qeyb qaadanay doodaha farsamo, fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha ee ay yeesheen Hay’adaha Hantidhowrka Guud iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah,” ayuu yiri Hantidhowraha Guud, Mudane Axmed Ciise Guutaale. “Shirkan waxa lagu falanqeeyey xoojinta tayada baarista, adeegsiga falanqeynta xogta casriga ah (Data Analytics), iyo baarista deymaha dowladda.”

Hantidhowraha ayaa intaas ku daray in ka qeybgalka shirkan uu u ahaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya fursad lagu xoojinayo iskaashiga xirfadeed, isdhaafsiga khibradaha, iyo la socodka hababka casriga ah ee la xiriira shaqada hay’adaha hantidhowrka guud.

Isha: Radio Dalsan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Radio Dalsan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralafrosaigalayhantidhowraha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.