Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta ku qabatay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga munaasabad lagu daahfurayay Ereybixinta Amniga Saaybarka, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada Af-Soomaaliga ee la xiriira Amniga Saaybarka. Munaasabadda ayaa waxaa ka

SO
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta ku qabatay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga munaasabad lagu daahfurayay Ereybixinta Amniga Saaybarka, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada Af-Soomaaliga ee la xiriira Amniga Saaybarka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, aqoonyahanno, khubaro dhanka luuqadaha ah, xeeldheereyaal teknoolojiyadeed iyo Amniga Saaybarka, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka hadlay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in Af-Soomaaligu la jaanqaado horumarka teknoolojiyadda casriga ah.

“Afku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda, casriga ah waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo Af-Soomaaliga, tayeynta adeegyada dowladda iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade).

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralereybixintasaaybarkahay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.