Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ka qaadanayaan qabsoomida gogasha dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada reer Koonfur Galbeed. Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka odeyaasha dhaqanka ee ku aaddan qabsoomida gogasha dib-u-heshiisiinta.
- Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka.
- Odeyaasha dhaqanka ayaa la wadaagay talooyin ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta.
“Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Kulankan wuxuu muhiim u yahay bulshada Koonfur Galbeed maadaama uu diiradda saarayo nabadeynta iyo wadajirka bulshada.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ka qaadanayaan qabsoomida gogasha dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada reer Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka iyo odeyaasha dhaqanka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso isfaham, nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta bulshada Koonfur Galbeed.
Odeyaasha dhaqanka ayaa dhankooda la wadaagay Hoggaamiyaha aragtiyo iyo talooyin ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada, loona xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.