Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay masjid weyn oo laga dhisayo Aqalka Madaxtooyada Baydhabo. Masjidkan ayaa loogu talagalay inuu u adeego madaxda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida booqata, isagoo qayb ka ah qorshaha horumarinta kaabeyaasha Madaxtooyada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka. Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sh
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay masjid weyn oo laga dhisayo Aqalka Madaxtooyada Baydhabo.
Maxaa la shaaciyey
- Masjidkan ayaa loogu talagalay inuu u adeego madaxda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida booqata.
- Dhismaha masjidkan ayaa ka tarjumaya sida ay dowladdu uga go'an tahay dhiirrigelinta cibaadada iyo mideynta bulshada.
- Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Diinta ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah.
“Dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada.”
Sababta ay muhiim u tahay: Mashruucan wuxuu xoojinayaa cibaadada iyo midnimada bulshada, taasoo muhiim u ah horumarka Koonfur Galbeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay masjid weyn oo laga dhisayo Aqalka Madaxtooyada Baydhabo.
Masjidkan ayaa loogu talagalay inuu u adeego madaxda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida booqata, isagoo qayb ka ah qorshaha horumarinta kaabeyaasha Madaxtooyada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.
Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeegaya shacabka.
Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii Hore Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.