Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo markale maanta laysugu geynayo Xalane.
Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii 2aad maanta ku…

Madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii 2aad maanta ku yeelan doona Xalane.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka waxaa ka qaybgelaya Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh.
- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Salaax Jaamac ayaa sidoo kale kulanka joogta.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Macnaha guud
Kulanka ayaa ka dambeeyay kala-taggii shalay, waxaana lagu gorfeynayaa arrimaha doorashooyinka iyo xorriyadda hadalka.
“Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Kulankan wuxuu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadaama uu khuseeyo arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii 2aad maanta ku…
Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii 2aad maanta ku yeelan doona dhisme kuyaalla xayndaabka Xalane ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Kulanka waxaa ka qaybgelaya Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh , Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Salaax Jaamac oo dhinac ah, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni , iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed oo dhinac ah ayna goobjoog ka ahaayeen safiirrada dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo door dhexdhexaadin ah ka qaatay wadahadallada.
Kadib kala-taggii shalay waxaa kulanka maanta markale diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo cabashooyinka la xiriira xorriyadda hadalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan