Jabuuti iyo Madagascar oo kala saxiixday saddex heshiis oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Jabuuti iyo Madagascar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ka dhacay Jabuuti.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMadaxweynaha Jabuuti ayaa ku baaqay in la dhiso guddi dekedaha oo wadajir ah, kaas oo isku dubbaridi doona qorshayaasha iyo hawlaha iskaashiga ee labada dal.
- Booqashadan ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dowladood iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya shucuubta Jabuuti iyo Madagascar.
- Kulanka gaarka ah ee labada Madaxweyne ayaa waxaa xigay shir ballaaran oo ay ka qeybgaleen wafdiyada labada dal, kaas oo diiradda lagu saaray fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
- Saddexda heshiis ee la kala saxiixday ayaa kala ah heshiis guud oo ku saabsan iskaashiga labada dal, heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo wadatashiyada laba geesoodka ah iyo heshiis la xiriira ka-dhaafitaanka fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah, kuwa rasmiga ah iyo kuwa adeegga.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay meelaha gaarka ah ee heshiisyadu daboolayaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Jabuuti iyo Madagascar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.
- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Jabuuti iyo Madagascar ay iskaashi ka sameeyaan wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.
- Madaxweynaha Madagascar, Michaël Randrianirina, ayaa booqashadiisa Jabuuti ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
JABUUTI – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulan heer sare ah magaalada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Dib-u-aasaasidda Jamhuuriyadda Madagascar, Michaël Randrianirina, oo booqasho rasmi ah oo qaadanaysa 48 saacadood ku jooga dalka Jabuuti.
Booqashadan ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dowladood iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya shucuubta Jabuuti iyo Madagascar.
Kulanka gaarka ah ee labada Madaxweyne ayaa waxaa xigay shir ballaaran oo ay ka qeybgaleen wafdiyada labada dal, kaas oo diiradda lagu saaray fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Kulankaas ayaa sidoo kale lagu gaaray heshiisyo muhiim ah oo labada dhinac kala saxiixdeen.
Saddexda heshiis ee la kala saxiixday ayaa kala ah heshiis guud oo ku saabsan iskaashiga labada dal, heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo wadatashiyada laba geesoodka ah iyo heshiis la xiriira ka-dhaafitaanka fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah, kuwa rasmiga ah iyo kuwa adeegga.
Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay ayaa ahaa iskaashiga dhinaca badda, gaar ahaan horumarinta dekedaha, amniga badda, gaadiidka iyo adeegyada saadka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin fursado ballaaran oo ay iskaashi uga sameyn karaan dhaqaalaha badda, maadaama ay labaduba yihiin dalal leh xeebo iyo marinno muhiim u ah ganacsiga.
Geelle ayaa xusay in Xeer-dhaqanka Jabuuti ee la dagaallanka burcad-badeedda iyo Xarunta Gobolka ee Isku-dhafka Xogta Badda, oo Madagascar ay xubin ka tahay, ay saldhig u noqon karaan iskaashi xooggan oo dhinaca amniga iyo xog-wadaagga badda ah. Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in labada dal iska kaashadaan is-dhaafsiga khibradaha maamulka dekedaha, tababarrada shaqaalaha, dijitaaleynta adeegyada saadka, horumarinta kaabayaasha gaadiidka iyo maaraynta xamuulka.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku baaqay in la dhiso guddi dekedaha oo wadajir ah, kaas oo isku dubbaridi doona qorshayaasha iyo hawlaha iskaashiga ee labada dal. Dhanka kale, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Jabuuti iyo Madagascar ay iskaashi ka sameeyaan wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.
Waxa uu sheegay in labada dal ay muhiim tahay inay xoojiyaan ka-qaybgalka suuqyada caalamiga ah ee kaarboonka, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha ku jira qodobka lixaad ee Heshiiska Paris ee cimilada. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee Madagascar ay horseedi doonto is-afgarad qaran, xasillooni iyo barwaaqo.
Madaxweynaha Madagascar, Michaël Randrianirina, ayaa booqashadiisa Jabuuti ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo sheegay inay muujinayso rabitaanka siyaasadeed ee labada dal ee ku aaddan furitaanka marxalad cusub oo iskaashi, midnimo iyo walaaltinimo ah. Randrianirina ayaa sheegay in heshiisyada la kala saxiixday ay yihiin tallaabooyin wax ku ool ah oo muujinaya sida ay labada dowladood uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda.
Waxa uu sidoo kale xusay in Jabuuti iyo Madagascar ay wadaagaan xiriir soo jireen ah, dano goboleed iyo xiriir bulsho iyo dhaqan, kuwaas oo saldhig u noqon kara iskaashi ballaaran. Inta uu booqashada ku joogo Jabuuti, Madaxweynaha Madagascar ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka, oo ay ka mid yihiin dekedaha, Aagga Warshadaha iyo Tamarta ee Damerjog iyo xarumaha shirkadda Djibouti Telecom.
Madaxweynaha Madagascar waxaa booqashadan ku weheliya wafdi heer sare ah oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibadda, N’Diaye Alice, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo hay’adaha dhaqaalaha dalkaas. Dhanka Jabuuti, waxaa kulamada ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Wasiirka Kaabayaasha iyo Qalabeynta, Siciid Nuux Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyada iyo xukuumadda.
Booqashadan iyo heshiisyada la kala saxiixday ayaa astaan u ah dadaallada ay Jabuuti iyo Madagascar ku doonayaan inay ku ballaariyaan xiriirkooda, gaar ahaan ganacsiga, dekedaha, amniga badda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga cimilada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Jabuuti iyo Madagascar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ka dhacay Jabuuti.
Qodobada muhiimka ah
- Jabuuti iyo Madagascar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.
- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Jabuuti iyo Madagascar ay iskaashi ka sameeyaan wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.
- Madaxweynaha Madagascar, Michaël Randrianirina, ayaa booqashadiisa Jabuuti ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan heshiisyada la saxiixay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan heshiisyada.
- Faahfaahinta ku saabsan waxa ay heshiisyadu ka kooban yihiin ma cadda.
Gunaanadka akhristaha
Jabuuti iyo Madagascar waxay xoojinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga iyagoo saxiixaya heshiisyo cusub.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay meelaha gaarka ah ee heshiisyadu daboolayaan?
- Sidee loo hirgelin doonaa heshiisyada?
- Waa maxay natiijooyinka la filayo ee iskaashigan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · iskaashiga · jabuuti · madagascar