Kadib shidaalka, Soomaaliya oo Turkiga la galeysa heshiis lagu soo saarayo…
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dooneyso inay Turkiga la gasho heshiisyo cusub oo lagu sahminayo laguna horumarinayo macdanta dalka, xilli Muqdisho ay raadineyso inay ka faa’iideysato kheyraad dabiici ah oo muddo dheer aan si buuxda loo baarin. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay […] The

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dooneyso inay Turkiga la gasho heshiisyo cusub oo lagu sahminayo laguna horumarinayo macdanta dalka, xilli Muqdisho ay raadineyso inay ka faa’iideysato kheyraad dabiici ah oo muddo dheer aan si buuxda loo baarin.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kayd macdaneed ballaaran, oo ay ku jiraan macdano muhiim ah, ciidda silica iyo uranium, balse ay u baahan tahay khibrad farsamo, sahmin casri ah iyo maalgashi lagu ogaanayo baaxadda dhabta ah ee kheyraadkaas.
“Waxaan sidoo kale fileynaa heshiisyo dhinaca macdanta ah, maadaama Soomaaliya lagu yaqaan inay leedahay kayd macdano muhiim ah iyo kuwo kale oo qiimo leh,” ayuu wasiirka u sheegay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, kaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashiga macdanta ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan