Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Kenya oo Mareykanka u Oggolaatay Furashada Xarun Karantiil oo Loogu Talagalay Dadka uu Ebola Ku Dhaco

Nairobi, Kenya – Dowladda Kenya ayaa siisay Mareykanka oggolaansho rasmi ah oo uu ku isticmaali karo saldhig ciidan oo ku yaalla dalkaas si looga hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka uu haleelo cudurka Ebola, kaas oo si xooggan ugu faafaya qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Sida ay wakaaladda wararka […]

SO
Kenya oo Mareykanka u Oggolaatay Furashada Xarun Karantiil oo Loogu Talagalay Dadka uu Ebola Ku Dhaco
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Nairobi, Kenya – Dowladda Kenya ayaa siisay Mareykanka oggolaansho rasmi ah oo uu ku isticmaali karo saldhig ciidan oo ku yaalla dalkaas si looga hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka uu haleelo cudurka Ebola, kaas oo si xooggan ugu faafaya qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen laba sarkaal oo Mareykan ah, oggolaanshaha ayaa u saamaxaya dowladda Mareykanka inay isticmaasho Saldhigga Ciidamada Cirka ee Laikipia ee bartamaha Kenya, halkaas oo laga dhisi doono xarun caafimaad oo lagu karantiilo laguna daryeelo dadka uu saameeyo fayraska Ebola.

Xarunta ayaa la qorsheeyay inay ka hawlgalaan xubno ka tirsan Adeegga Caafimaadka Dadweynaha ee Mareykanka (US Public Health Service), oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee dalkaas.

Inkasta oo qorshaha Mareykanka uu yahay in xarunta ugu horrayn loogu adeego muwaadiniintiisa uu saameeyo cudurka, haddana dowladda Kenya ayaa ku talisay in xarunta loo furo dhammaan dadka caalamka ka kala yimaada ee uu haleelo Ebola, si loo xoojiyo dadaallada caafimaad ee gobolka. Ilaa iyo hadda lama oga in Mareykanku aqbalay soo jeedintaas.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralloogudadkatalagalay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.