Khayre oo shaaciyey waxa dhici doona kadib shaacintii jadwalka doorashada qaran
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiXasan Cali Khayre ayaa si adag uga hor yimid jadwalka doorashooyinka federaalka ee shalay uu shaaciyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay dalka u horseedi karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Khayre ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay jadwalka doorashada mid hal dhinac ah oo aan ku dhisnayn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ee ku saabsan dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
- “Waxaan si adag u qaadacayaa jadwalka doorashada halka dhinac ah ee uu maanta ku dhawaaqay taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday,” ayuu Khayre ku yiri bayaankiisa.
- Waxa uu sheegay in jadwalkaasi uu sii wiiqayo dadaalladii iyo wada-hadalladii siyaasadeed ee lagu doonayey in dalka looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed, maadaama aan weli heshiis laga gaarin qodobbada aasaasiga ah ee doorashada.
- Khayre ayaa sidoo kale sheegay in shaacinta jadwal doorasho oo aan heshiis siyaasadeed lagu ahayn ay sii kala fogeyn karto dhinacyada isku haya hannaanka doorashada, isla markaana ay khatar gelin karto xasilloonida dalka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Khayre uu qaadi doono si uu uga jawaabo jadwalka doorashada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xasan Cali Khayre ayaa si adag uga hor yimid jadwalka doorashooyinka federaalka ee shalay uu shaaciyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
- Khayre ayaa ka digay in tallaabadaasi ay dalka u horseedi karto qalalaase siyaasadeed, mid amni.
- Khayre ayaa sidoo kale eedeymo culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye uu dhammaaday muddo-xileedkiisii.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hor yimid jadwalka doorashooyinka federaalka ee shalay uu shaaciyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay dalka u horseedi karto qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo doorashooyin isbarbar socda.
Khayre ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay jadwalka doorashada mid hal dhinac ah oo aan ku dhisnayn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ee ku saabsan dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
“Waxaan si adag u qaadacayaa jadwalka doorashada halka dhinac ah ee uu maanta ku dhawaaqay taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday,” ayuu Khayre ku yiri bayaankiisa.
Waxa uu sheegay in jadwalkaasi uu sii wiiqayo dadaalladii iyo wada-hadalladii siyaasadeed ee lagu doonayey in dalka looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed, maadaama aan weli heshiis laga gaarin qodobbada aasaasiga ah ee doorashada.
Khayre ayaa sidoo kale sheegay in shaacinta jadwal doorasho oo aan heshiis siyaasadeed lagu ahayn ay sii kala fogeyn karto dhinacyada isku haya hannaanka doorashada, isla markaana ay khatar gelin karto xasilloonida dalka.
“Shaacinta jadwal doorasho iyadoo aan heshiis laga ahayn arrimaha siyaasadda iyo mabaadi’da doorashada waxay sii kala dhantaalaysaa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in tallaabadaasi ay dalka u horseedi karto “qalalaaso siyaasadeed, mid amni, iyo doorashooyin isbarbar-socda”, kuwaas oo uu sheegay inay halis gelin karaan mustaqbalka dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale eedeymo culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye uu dhammaaday muddo-xileedkiisii, kuna eedeeyey inuu doonayo inuu xukunka sii haysto.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynayaa in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadayo masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha go’aankan qar-iska-tuurnimada ah oo ujeeddadiisu tahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku boobo xukunka dalka,” ayuu Khayre ku yiri bayaankiisa.
Eedeyntan ayaa salka ku haysa khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka, kaas oo muddo-xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka ka dhigay shan sano halkii uu markii hore ka ahaa afar sano.
Dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa in dastuurka cusub uu sharci yahay, halka mucaaradku ay diiddan yihiin in wax-ka-beddelkaasi lagu kordhiyo muddo-xileedka madaxda hadda xilalka haya.
Jadwalka uu guddiga doorashadu shaaciyey ayaa dhigaya in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay dhacdo 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyey 15-ka May 2027.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa iyaguna qaadacay jadwalka doorashada, iyagoo ka digay in doorasho aan heshiis lagu ahayn ay dhalin karto hannaan doorasho oo isbarbar socda iyo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaysta.
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda soo dhaweysay jadwalka cusub, iyadoo sheegtay in diyaarinta doorashooyinka iyo sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ay yihiin laba arrimood oo is barbar socon kara.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xasan Cali Khayre ayaa si adag uga hor yimid jadwalka doorashooyinka federaalka ee shalay uu shaaciyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay dalka u horseedi karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Qodobada muhiimka ah
- Xasan Cali Khayre ayaa si adag uga hor yimid jadwalka doorashooyinka federaalka ee shalay uu shaaciyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
- Khayre ayaa ka digay in tallaabadaasi ay dalka u horseedi karto qalalaase siyaasadeed, mid amni.
- Khayre ayaa sidoo kale eedeymo culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye uu dhammaaday muddo-xileedkiisii.
- Jadwalka uu guddiga doorashadu shaaciyey ayaa dhigaya in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay dhacdo 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyey 15-ka May 2027.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Khayre iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dowladda federaalka ama Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaqiijinta jadwalka doorashada.
Gunaanadka akhristaha
Mucaaradka Khayre ee jadwalka doorashada ayaa muujinaya xiisadaha siyaasadeed ee socda Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Khayre uu qaadi doono si uu uga jawaabo jadwalka doorashada?
- Sidee ayey dowladda federaalka uga jawaabi doontaa eedeymaha Khayre?
- Maxay yihiin cawaaqibka jadwalka doorashada ee khilaafaadka siyaasadeed ee socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shaaciyey · jadwalka · khayre
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada