KHEYRE oo shaaciyey in la laayey ciidamadii ugu tayada badnaa DF Soomaaliya
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiRa’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhaliilay dowladda federaalka isagoo ku eedeeyey in ciidamo khibrad badan loo adeegsaday hawlgal siyaasadeed, kadib dagaal culus oo ka dhacay Jameeco, gobolka Bay, halkaas oo askar la sheegay in la dilay iyo dhaawacmay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinRa’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale ku baaqay in Ciidanka Xoogga Dalka loo madax-banneeyo gudashada waajibaadkooda qaran, halkii lagu dhex mashquulin lahaa khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
- Cidda ay saamaysayDhanka kale, Kheyre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ciidamadii ay ka geeriyoodeen askarta ku dhimatay dagaalka Jameeco, isagoo Alle uga baryey inuu u naxariisto kuwa dhintay, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah siiyo.
- Kheyre ayaa hadalkan jeediyey Talaadadii, kadib dagaal culus oo Isniintii ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Bay, kaas oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
- Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in askarta ku dhimatay dagaalkaasi ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu tayada iyo tababarka wanaagsanaa ee dalku lahaa, kuwaas oo sannado badan kusoo jiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa walaac ku saabsan isticmaalka ciidamada milatariga ee khilaafaadka siyaasadeed, taasoo wiiqi karta dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto si ay uga jawaabto dalabka Kheyre?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhaliilay hoggaanka dowladda federaalka isagoo ku eedeeyey in ciidamo khibrad badan loo adeegsaday hawlgal siyaasadeed.
- Kheyre ayaa sheegay in askarta ku dhimatay dagaalkaasi ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu tayada iyo tababarka wanaagsanaa ee dalku lahaa.
- Kheyre ayaa dowladda ka dalbaday inay shacabka Soomaaliyeed si daahfuran ugu soo bandhigto wixii ka dhacay Jameeco.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si kulul u dhaliilay hoggaanka dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyey in ciidamo khibrad badan u lahaa dagaalka Al-Shabaab loo adeegsaday hawlgal ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo ay ahayd in wadahadal lagu xalliyo.
Kheyre ayaa hadalkan jeediyey Talaadadii, kadib dagaal culus oo Isniintii ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Bay, kaas oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in askarta ku dhimatay dagaalkaasi ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu tayada iyo tababarka wanaagsanaa ee dalku lahaa, kuwaas oo sannado badan kusoo jiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Waxaa aad looga walaacayaa in ciidamo khibrad intaas le’eg leh loo diray hawlgal ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo ay ahayd in wadahadal lagu xalliyo,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray .
Waxa uu sheegay in ku mashquulinta ciidamada qalabka sida khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha ay wiiqayso dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana ay kooxdaasi ka faa’iidaysanayso kala qaybsanaanta iyo fursadaha ka dhasha.
“Mar kasta oo ciidankeenna laga weeciyo la dagaallanka cadowga guud, laguna dhex daro khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida, waxaa daciifa dagaalka qaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri.
Kheyre ayaa dowladda ka dalbaday inay shacabka Soomaaliyeed si daahfuran ugu soo bandhigto wixii ka dhacay Jameeco, go’aannadii horseeday hawlgalka iyo duruufihii sababay in ciidamadu la kulmaan weerarka khasaaraha badan dhaliyey.
“Xilli uu jiro khasaare intan le’eg, dowladda waxaa waajib ku ah inay qaranka siiso warbixin dhammaystiran oo daacad ah oo ku saabsan wixii dhacay, oo ay ku jiraan go’aannadii horseeday hawlgalka iyo duruufihii ciidankeenna u geliyey weerarkan,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in isla xisaabtanku aanu ahayn arrin ikhtiyaari ah, isla markaana aan la oggolaan karin in naf-hurnimada ciidamada lagu qariyo dano siyaasadeed.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale ku baaqay in Ciidanka Xoogga Dalka loo madax-banneeyo gudashada waajibaadkooda qaran, halkii lagu dhex mashquulin lahaa khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
“Khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya waa kuwo culus, balse laguma xallin karo goobta dagaalka. Waxay u baahan yihiin wadahadal, tanaasul iyo heshiis dhab ah,” ayuu yiri Kheyre.
Dhanka kale, Kheyre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ciidamadii ay ka geeriyoodeen askarta ku dhimatay dagaalka Jameeco, isagoo Alle uga baryey inuu u naxariisto kuwa dhintay, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah siiyo.
Waxa uu ku baaqay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan qoysaska askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay, isagoo xusay in ciidamadu muujiyeen geesinimo iyo naf-hurnimo ay mudan yihiin in lagu maamuuso.
Khasaare xooggan
Hadalka Kheyre ayaa kusoo aadaya iyadoo weli ay taagan yihiin su’aalo la xiriira khasaaraha ciidamada dowladda kasoo gaaray dagaalkii Jameeco.
Laba askari oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in tobannaan askari ay ku dhinteen dagaalka. Mid ka mid ah ayaa sheegay inuu ka qayb qaatay daadgureynta meydadka 40 askari iyo in ka badan 100 dhaawac ah oo la geeyey isbitaallada Muqdisho.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada dowladda ay dagaalka ku dileen ku dhowaad 75 xubnood oo Al-Shabaab ah, halka 56 kalena ay dhaawaceen.
Wasaaraddu waxay qirtay in Al-Shabaab ay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey ku weerartay ciidamada, balse ma aysan shaacin tirada askarta dowladda ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalka.
Ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin karo tirada guud ee khasaaraha labada dhinac.
Kheyre ayaa ugu dambeyn ku adkeystay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan siyaasadeed oo mudnaanta siiya amniga qaranka, dhowra naf-hurnimada ciidamada, kana shaqeeya in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhammeeyo wadahadal ka hor inta aysan sababin khasaare kale oo naf iyo maalba leh.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhaliilay dowladda federaalka isagoo ku eedeeyey in ciidamo khibrad badan loo adeegsaday hawlgal siyaasadeed, kadib dagaal culus oo ka dhacay Jameeco, gobolka Bay, halkaas oo askar la sheegay in la dilay iyo dhaawacmay.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhaliilay hoggaanka dowladda federaalka isagoo ku eedeeyey in ciidamo khibrad badan loo adeegsaday hawlgal siyaasadeed.
- Kheyre ayaa sheegay in askarta ku dhimatay dagaalkaasi ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu tayada iyo tababarka wanaagsanaa ee dalku lahaa.
- Kheyre ayaa dowladda ka dalbaday inay shacabka Soomaaliyeed si daahfuran ugu soo bandhigto wixii ka dhacay Jameeco.
- Mid ka mid ah ayaa sheegay inuu ka qayb qaatay daadgureynta meydadka 40 askari iyo in ka badan 100 dhaawac ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaaraha.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda federaalka ee ku saabsan eedeymaha Kheyre.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallo ka yimid Kheyre iyo askar aan magac lahayn oo aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladdu waxay keentaa su'aalo muhiim ah oo ku saabsan ka qaybgalka milatariga ee khilaafaadka siyaasadeed iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga qaranka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto si ay uga jawaabto dalabka Kheyre?
- Sidee ayey dowladda u maareyn doontaa khasaaraha la sheegay?
- Maxay yihiin saameynta ka dhalan karta isticmaalka ciidamada milatariga ee khilaafaadka siyaasadeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa walaac ku saabsan isticmaalka ciidamada milatariga ee khilaafaadka siyaasadeed, taasoo wiiqi karta dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · soomaaliya · kheyre
Sii akhri
- Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka jameeca oo hoostago Dagmada Buur hakabo
Hiiraanweyn
- DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”
Jowhar
- Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay inay Al-Shabaab jab xooggan ku gaarsiiyeen deegaanka Jameeca
Shabelle Media