Khilaaf ka dhex taagan hay’adaha garsoorka Puntland
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa ka horyimid go’aan ay soo saartay maxkamad darajada koowaad ee… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa ka horyimid go’aan ay soo saartay maxkamad darajada koowaad ee degmada Garoowe, kaas oo la xiriira xayiraad la saaray koonto (account) ay hay’adda Save The Children ku leedahay bangiga Dahabshiil.
Axmed Taaraan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in koontada hay’adaas aan la xiri karin, islamarkaana maxkamadda darajada koowaad ee degmada Garoowe aysan lahayn awood ay ku xirto koonto noocaas ah.
Dhanka kale maxkamadda darajada koowaad ee degmada Garoowe oo ka soo jawaabtay warqada Axmed Taaraan ayaa sheegtay in ay diidan tahay faragelinta uu xeer ilaaliyaha guud ku sameeyay awood maxkamadda.
Sidoo kale waxay xustay in go’aankeedii hore ee ay ku xayirtay koontada hay’adda Save The Children uu weli dhaqangal yahay (sharci yahay).
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan