Khudbaddii Midnimada: Ra’iisalwasaaraha JFS oo Jeediyay Khudbad Taariikhi ah
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiRa’iisalwasaaraha Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo diiradda saareysa midnimada qaranka intii lagu guda jiray furitaanka bandhig dalxiis.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Khudbaddii uu shalay Ra’iisalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ka jeediyay furitaanka Bandhigga Dalxiiska ee ay soo agaasinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS, waxay baaq qarannimo u ahayd ilaalinta iyo adkaynta midnimada dalka iyo dhowridda wadajirka iyo iskuduubnida bulshada, isla markaasna waxay ahayd hogatusaalayn iyo hagid xal u ah murannada hadda ka dhex jira hoggaanka Dawladda Federaalka ah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dibedjoogga ka ah xeerarka dawliga ah.
- Hadaljeedintani ma ahayn khudbad xogtebin siyaasadeed ku kooban, waxay sidoo kale ahayd khudbad dareentaabad ah oo duunka qof kasta oo garasho toolmoon leh xulaysa, isla markaasna xadataynaysa.
- Ra’iisalwasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu bilowga khudbaddiisa cod dheer ku sheegayaa in duruufaha maanta jira ay farayaan dadka Soomaaliyeed in lagu baraarujiyo khataraha muuqda, looga digo ciribdanbeedkooda, lana kiciyo “codkooda iyo damiirkooda ummadeed” .
- Halkaas waxaa ka dhalanaya arrinta ugu weyn ee khudbaddiisa udubdhexaadka u ah, taasoo tibaaxaysa in is-afgaranwaaga iyo doodda joogtada ah ee dhex maraysa kooxaha siyaasadda isku hayaa ay tahay mid dabiici ah oo astaan u ah nidaamka maamul kasta oo shaqaynaya, loomana fasiran karo inay tahay burburkii ama dhammaadkii wadajirka qaranka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xoojiyo midnimada qaranka sida uu Ra’iisalwasaaruhu soo jeediyay?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad muujinaysa midnimada qaranka iyo muhiimadda ilaalinta aqoonsiga wadajirka ah ee dadka Soomaaliyeed.
- Ra’iisalwasaaruhu wuxuu sheegay in midnimadu tahay tiir muhiim ah oo ka sarreeya khilaafaadka siyaasadeed.
- Khudbaddani waxay qayb ka ahayd furitaanka Bandhigga Dalxiiska ee ay soo agaasinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
“Adoo wax ka gows qabsaday,
Mar baa gefka loo liqaa,
Inaan danta guud murkacan.” —Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Khudbaddii uu shalay Ra’iisalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ka jeediyay furitaanka Bandhigga Dalxiiska ee ay soo agaasinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS, waxay baaq qarannimo u ahayd ilaalinta iyo adkaynta midnimada dalka iyo dhowridda wadajirka iyo iskuduubnida bulshada, isla markaasna waxay ahayd hogatusaalayn iyo hagid xal u ah murannada hadda ka dhex jira hoggaanka Dawladda Federaalka ah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dibedjoogga ka ah xeerarka dawliga ah.
Hadaljeedintani ma ahayn khudbad xogtebin siyaasadeed ku kooban, waxay sidoo kale ahayd khudbad dareentaabad ah oo duunka qof kasta oo garasho toolmoon leh xulaysa, isla markaasna xadataynaysa. Mar waxay la hadlaysaa garaadka muwaaddinka Soomaaliyeed ee xilkaska ah, mar waxay carinaysaa xusuuswadareedda bulshada; mar kalana waxay soofaynaysaa damiirka qof kasta oo Soomaali ah.
Ra’iisalwasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu bilowga khudbaddiisa cod dheer ku sheegayaa in duruufaha maanta jira ay farayaan dadka Soomaaliyeed in lagu baraarujiyo khataraha muuqda, looga digo ciribdanbeedkooda, lana kiciyo “codkooda iyo damiirkooda ummadeed” . Wuxuu dabadeed diiradda saarayaa “midnimada dalka, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, nabadda bulshada iyo ilaalinta qiyamka ay ummadani heshiiska ku tahay.” Wuxuu anbaqaadka hadaljeedintiisa ku bilaabayaa gundhigga ay siyaasaddu ku taagan tahay ee ah; qaran jira, bulsho wada nool iyo arrimo, had iyo goor, ka dhumuc weyn hardanka siyaasadeed ee markaas jira.
Halkaas waxaa ka dhalanaya arrinta ugu weyn ee khudbaddiisa udubdhexaadka u ah, taasoo tibaaxaysa in is-afgaranwaaga iyo doodda joogtada ah ee dhex maraysa kooxaha siyaasadda isku hayaa ay tahay mid dabiici ah oo astaan u ah nidaamka maamul kasta oo shaqaynaya, loomana fasiran karo inay tahay burburkii ama dhammaadkii wadajirka qaranka. Labadaas arrimood waxay leeyihiin xad iyo xaglo aad u kala durugsan!
Nidaamka dawladeed dhexdiisa waa lagu kala aragti duwanaan karaa, waa la isku diidi karaa hannaanka dhammaystirka dastuurka, arrimaha doorashooyinka, awoodqaybsiga, hannaanka federaalaynta, maamulka iyo cidda talada haynaysa; hase yeeshee Ra’iisalwasaaruhu wuxuu ku doodayaa in murankaasi yeesho soohdin uusan ka tallaabi karin. Wuxuu dooddiisa sees adag uga yeelay midnimo, isagoo yiri, “Midnimadu waa tiir adag oo la’aantii aysan ummadi taagnaan karin.” Wuxuu iskudayaya inuu midnimada ka dhigo gogosha ay doodaha kale oo dhami dusheeda ka dhacayaan, ee aysan iyadu noqon qodob mar kasta muran la galiyo oo maalinba uu nin dan lihi damaciisa gaarka ah ku qunsado.
"
“Walaalayaal, midnimadu waa tiir adag oo la’aantiis aysan ummadi taagnaan karin, kaas oo ka sarreeya khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansha jiri kara xilliyada qaar. Haddii midnimo la waayo waxaa baylah loo noqonayaa cadow” ayuu yiri Ra’iisalwasaaruhu.
Macnaynta Qarannimada: “Midnimada iyo qarannimadu waa wax aan birina goyn, biyana mayrin!”
Qofka Muqdisho jooga iyo qofka, Hargeysa, Gaalkacyo, Garoowe, Baydhabo ama Kismaayo jooga dhammaantood mid-mid isuma yaqaannaan, isku waaya-aragnimana ma wada laha; hayeeshee waa isku uur oo guntay ka midaysanyihiin. Waxa ugu weyn ee isku hayaa waa qarannimada!
Waa garashada ah inay isku sooyaal iyo sawrac yihiin. Waa ogaanshaha tagtadooda iyo hilaadinta timaaddadooda.
Sidaas awgeed, qarannimadu ma aha xad dhuleed iyo soohdimo khariidadeed. Daw ma aha in is-ahaanshaha ummadda lagu macneeyo seeraha iyo xuduudaha farsamo ee uu nidaamka federaalku sida kumeelgaarka ahi degaannada dalka kala dhex dhigay.
“[War hoy!] Marka hore heshiis iyo midnimo galiya maankiinna.” — Jaamac Kadiye
Ra’iisalwasaaruhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in midnimada ummadda Soomaaliyeedi tahay dhaxal fac ka fac la isu soo dhiibayay oo jiilba jiilka ka sii danbeeya uu, iyadoo ilaashan, ku simayay; maantana ay innaga ina joogto oo waajibka inoo egi yahay in aan ku fara’adaygno dhowriddeeda, oo ka yurayno qabbaannada shisheeye, faca soo kacaamayana iyada oo dhowrsoon gacmahooda ku hubsanno! Wuxuu, Ra’iisalwasaaruhu, sheegay in midnimadu aysan ahayn “mid dhayal ku dhalatay,” ayse tahay wax halgan iyo nafhurid lagu soo gardaadiyay.
Wuxuu ganafka ku dhuftay oo uu gaashaanka u daruuray in wadajirka bulshada loo rogo gorgorton siyaasadeed oo cid gaar ahi ku dangaarto, iyadoo ku awrkacsanaysa shacabka ay majaraha u hayso ee taladoodii ku aaminay. Ra’iisalwasaaruhu wuxuu adkeeyay in aan midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed la dhex keenin is-haysadka siyaasiyiinta danleyda ah iyo doodaha xilliyaysan ee soo ifbaxa dhammaadka muddaxileedyada iyo xilliyada doorashada.
“Midnimadeennu ma ahan mid maanta dhalatay waa dhaxal jiilba jiil usoo dhiibayay. Waxaa loo soo galay halgan dheer, waxaa loo soo huray naf iyo maal” ayuu khudbaddiisa ku yiri.
Isaga oo tilmaamaya siyaasiyiin uu ku sheegay in ay “la hiraanhirayaan dhaawacyadii hore” ayuu Ra’iisalwasaare Xamse yiri: “Walaalayaal, maanta waxaynu u baahannahay siyaasi aragti dheer, siyaasi aan weli la hiraanhiraynin dhaawacyadii shalay. Soomaaliya, walaalayaal uma baahna siyaasi indhihiisu ay gadaal ku yaallaan oo arkaya oo keliya tagtadii la soo dhaafay ee xanuunka badnayd ee aynu ka dhaxalnay qaranjabkii ina soo gaaray, kana indhala’ rejada maanta jirta iyo fursadaha berri imaanaya.
Uma baahnin siyaasi isagoo ku duulaya dantiisa oo keliya si xishood-la’aan ah uga beensheega rabitaanka iyo doonista shacabka Soomaaliyeed. Uma baahnin siyaasi aan ixtiraamaynin qiyamka ummadani ay leedahay, siyaasi aan garanayn waxa ummaddan isku haya.”
Ra’iisalwasaare Xamse ayaa siyaasiyiinta ka macaasha qardoofihii hore u dhacay ummadda uga digay, wuxuuna farta ku fiiqay in aan magaca ummadda Soomaaliyeed qofna lagu baqamaali karin, iyadoo lagu haadsanayo shacabka.
Dhinaca kale, Ra’iisalwasaaruhu wuxuu soo hadalqaaday warqaddii qar-iska-tuurnimada ahayd ee 13kii Sibteenbar 2026 ay hoggaanka Buntilaan u direen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee QM. Ra’iisalwasaaruhu wuxuu warqadda ku fasiray mid hantaaqo ku ah midnimada dalka, wuxuuna yiri: “Waxaan leeyahay, walaalkay Siciid kuma habboonayn in uu ku qayladhaamiyo kalagoynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxay tani ku noqonaysaa mahadho taariikheed oo ku lammaan sooyaalka noloshiisa!”
Ra’iisalwasaare Xamse ayaa diirka ka caddeeyay in ay Soomaaliya u baahantahay siyaasi leh aragti dheer iyo go’aan dhiirran oo dalka u horseeda horumar iyo wadajir, ee aysan u baahnayn siyaasi weli dabajooga dhacdooyinkii shalay sababay burburkii dawladnimo. Wuxuu muujiyay sida ay siyaasiyiintaasi u habowsanyihiin, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga digay in aysan ku kadsoomin talis maddiidin u ah quminta danaha shisheeye, isagoo bulshada ugu laabqaboojinaya hadal biyidhiciisu ahaa “waa la doogiye, yaan la dacaroon.”
Dhinaca kale, Ra’iisalwasaaruhu wuxuu si waano iyo waxsheeg ula hadlaya siyaasiyiintaas, ayuu yiri: “Xilku waa meerto, maamulkana waa la isku beddelaa,” isagoo si gaar ah ugu dardaarwerinaya Siciid-Deni in uusan maanta magaciisa bi’in, cimrigiisana ceeb ku sagootin.
Wuxuu Ra’iisalwasaaruhu ka digayaa siyaasiga “indhihiisu gadaal ku yaallaan” ee ku dheggan dhaawacyadii qaranjabka, ka indhala’ fursadaha iman kara, ama u adeegaya shisheeye aan turaal lahayn—iyadoo la moodo in Ra’iisalwasaaruhu ka soo xiganayo sifooyinkii ku jiray gabaygii abwaan Xaaji Aadan-Afqallooc ku tilmaamay mid kulansaday: danni/male, qabyaalad iyo uurxumo—kuwaas oo uu miradhalkooda ku sheegay: ibtilo, anbad iyo aayatiin-li’i!
“Is-aamina dannigu waa waxaad ku ibtilowdeene
Is-aqbala qabiilnimada waad ku anbanaysaane
Is-addeeca uurxumidu waa aayatiin-li’iye .”— Xaaji Aadan-Afqallooc
Abwaan Xaaji Aadan-Afqallooc wuxuu aad u tilmaamay figradda iyo is-ahaanshaha bulsheed, taasoo qaran shaqaynayaa u baahanyahay in garaadka muwaadinka iyo siyaasigubu ka kor maro reer iyo gobol gaar ah.
Intaas kaddib, Ra’iisalwasaaruhu, isagoo ku tookhaya waxqabadka Xukuumaddiisa, wuxuu tibaaxay in aysan Soomaaliyada maanta joogin meeshii shalay. Si uu taas u muujiyo, Ra’iisalwasaaruhu wuxuu taxay deyndhaafkii, qaadistii cunaqabatayntii guud ee hubka, kubiiristii Bulshada Bariga Afrika, xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika iyo hawlaha shidaalqodista.
Ugu danbayn, Ra’iisalwasaare Xamse C. Barre oo baaq u jeedinaya bulshada Soomaaliyeed ayaa yiri: “Qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo waxaa saaran mas’uuliyad ku aaddan ilaalinta midnimada dalka. Culimada waxaa si gaar ah u saaran waajibka ah in ay bulshada wacyigeliyaan kuna baraarujiyaan ahmiyadda ay leedahay midnimada xilligan aan maanta joogno. Waxaan u mahadcelinayaa culimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo cuqaasha sida wadaniyadda leh, damiirka leh uga falceliyay falalka ay ku kaceen qaar kamid ah siyaasiyiinteennu.”
Gabagabadii, khudbaddii Ra’iisalwasaaruhu waxay si cad u qeexday waxa uu u arko khatarta taagan iyo meeqaanka midnimada. Waxay milicsi ku samaysay wixii dalka laga soo maray, waxay soo bandhigtay guulaha wax-ku-oolka ah ee Xukuumaddiisa Danqaran, waxayna digniin ka bixisay haadaanta uu siyaasiga danaha hoose lihi ka ridi karo mustaqbalka dalka. Qarannimadu ma aha wax inta mar qura la yagleelo oo dabadeed iska jira; waxay u baahantahay rabitaan joogto ah, ilaalin iyo saxartir; haddii kale, sida uu Ra’iisalwasaaruhu tilmaamay, “waxaa baylah loo noqonayaa cadow!”
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo diiradda saareysa midnimada qaranka intii lagu guda jiray furitaanka bandhig dalxiis.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad muujinaysa midnimada qaranka iyo muhiimadda ilaalinta aqoonsiga wadajirka ah ee dadka Soomaaliyeed.
- Ra’iisalwasaaruhu wuxuu sheegay in midnimadu tahay tiir muhiim ah oo ka sarreeya khilaafaadka siyaasadeed.
- Khudbaddani waxay qayb ka ahayd furitaanka Bandhigga Dalxiiska ee ay soo agaasinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid mucaaradka ama dhaleeceeyayaasha khudbadda Ra’iisalwasaaraha.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallada Ra’iisalwasaaraha iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan dhageystayaasha ama jawaabaha khudbadda laguma darin.
Gunaanadka akhristaha
Khudbadda Ra’iisalwasaaraha waxay muujinaysaa muhiimadda midnimada qaranka Soomaaliya iyadoo la tacaalaysa caqabadaha siyaasadeed ee socda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xoojiyo midnimada qaranka sida uu Ra’iisalwasaaruhu soo jeediyay?
- Sidee ayay kooxaha siyaasadeed kala duwan uga falcelinayaan baaqa midnimada?
- Maxay yihiin cawaaqibka khudbaddan ee khilaafaadka siyaasadeed ee socda ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · jeediyay · iisalwasaaraha · khudbaddii