Koonfur Galbeed oo shaacisay magacyada ragga hoggaaminayay weerarkii Baydhaba
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dagaalka socda ee Baydhaba, isagoo sheegay in maleeshiyaad Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen magaalada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xaayow ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaad Al-Shabaab oo doonaya inay carqaladeeyaan ammaanka Baydhaba, isagoo sheegay in cashir lama filaan ah loo dhigay.
- Sidoo kale wuxuu soo bandhigay magacyada horjoogayaal Al-Shabaab oo uu sheegay inay hoggaaminayeen weerarka saaka lagu qaaday caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.
- “Saaka waxaa magaalada soo weeraray naf-lacaarayaashii iyo nabad-diidayaashii Al-Shabaab, iyagoo rabitaankoodii gurracnaa raba inay ummaddaas ku carqaladeeyaan iyo nabadda magaalada arbushaad iyo xumaana inay ka abuuraan, iyaga oo ay hoggaaminayeen niman waa wan oo Shabaab Amiiradoodii ah oo la yiraahdo Macallin Saalax, Jaylaani nin la yaraahdo, Guuleed iyo Xasan Yacquub oo deegaannadan u dhashay,” ayuu yiri afhayeenka Koonfur Galbeed.
- Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ilaahey mahaddii cashir ayaa loo dhigay geesiyaasha ciidamada qalabka sida dhammaantood iyo ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed waxay u dhigeen cashir lama ilawaan ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaaday ciidamada dowladda intii lagu jiray weerarka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow), ayaa sheegay in weerarka Baydhaba uu hoggaaminayay maleeshiyaad Al-Shabaab.
- Xaayow ayaa sheegay in cashir lama filaan ah loo dhigay horjoogayaal Al-Shabaab oo uu sheegay inay hoggaaminayeen weerarka saaka.
- Afhayeenka Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in xaaladda magaalada waa nabad.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cabdullaahi(Xaayow) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa ka warbixiyay dagaalka ka socda magaaladaasi, kaas oo dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Birmadka Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
Xaayow ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaad Al-Shabaab oo doonaya inay carqaladeeyaan ammaanka Baydhaba, isagoo sheegay in cashir lama filaan ah loo dhigay.
Sidoo kale wuxuu soo bandhigay magacyada horjoogayaal Al-Shabaab oo uu sheegay inay hoggaaminayeen weerarka saaka lagu qaaday caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.
“Saaka waxaa magaalada soo weeraray naf-lacaarayaashii iyo nabad-diidayaashii Al-Shabaab, iyagoo rabitaankoodii gurracnaa raba inay ummaddaas ku carqaladeeyaan iyo nabadda magaalada arbushaad iyo xumaana inay ka abuuraan, iyaga oo ay hoggaaminayeen niman waa wan oo Shabaab Amiiradoodii ah oo la yiraahdo Macallin Saalax, Jaylaani nin la yaraahdo, Guuleed iyo Xasan Yacquub oo deegaannadan u dhashay,” ayuu yiri afhayeenka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ilaahey mahaddii cashir ayaa loo dhigay geesiyaasha ciidamada qalabka sida dhammaantood iyo ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed waxay u dhigeen cashir lama ilawaan ah. Dadweynaha waxaan u sheegeynaa is dajiya xaaladda magaalada waa nabad”.
Afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xusay in saacadaha soo socda ay faah-faahin dheeraad ah ka bixin doonaan dagaalka ayna soo bandhigi doonaan khasaaraha la gaarsiiyay ragga weerarka soo qaaday iyo maxaabiista ay gacanta ku dhigeen.
Dhinaca kale, afhayeen u hadlay kooxda Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isna guul ka sheegtay dagaalka, wuxuuna tilmaamay in ciidamadooda ay gudaha u galeen magaalada, welina uu socda howlgalka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ku sugnaadaan guryahooda.
“Guusha waa dhowdahay magaalada Baydhaba iyo Koonfur Galbeed dhammaanteedba gacanteenna ayay mardhow soo geli doontaa haddii Ilaahey idmo,” ayuu isna yiri Ugaas Xasan.
Dagaalka Baydhaba ayaa soo noq-noqday bilihii ugu dambeeyay, wuxuuna saameyn wayn ku yeeshay ammaanka guud ee magaaladaas oo ay horay uga dhaceen doorashooyin ay dowladda dhexe ka qabatay Koonfur Galbeed, laguna soo doortay Sheekh Aadan Madoobe.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dagaalka socda ee Baydhaba, isagoo sheegay in maleeshiyaad Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen magaalada.
Qodobada muhiimka ah
- Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow), ayaa sheegay in weerarka Baydhaba uu hoggaaminayay maleeshiyaad Al-Shabaab.
- Xaayow ayaa sheegay in cashir lama filaan ah loo dhigay horjoogayaal Al-Shabaab oo uu sheegay inay hoggaaminayeen weerarka saaka.
- Afhayeenka Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in xaaladda magaalada waa nabad.
- Afhayeen u hadlay kooxda Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isna guul ka sheegtay dagaalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada mas'uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxda Lafta-gareen.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira weerarka ama xaaladda Baydhaba.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Al-Shabaab ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Baydhaba waxay weli tahay mid kacsan, iyadoo ay jiraan eedeymo is khilaafsan oo ka imaanaya labada dhinac ee dowladda iyo Al-Shabaab.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaaday ciidamada dowladda intii lagu jiray weerarka?
- Maxay yihiin khasaaraha ama waxyeelada la xaqiijiyay ee ka dhalatay weerarka?
- Maxay yihiin faahfaahin dheeraad ah oo la bixin doono oo ku saabsan howlgalada socda ee Baydhaba?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · baydhaba · galbeed
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho Al-shabaab
Goobjoog Somali
- R/W Xamza oo shaaciyey qorshe ay DF isku dayday oo ku saabsan Lafta-gareen
Caasimada Online
- Saddex qof ayaa la xiray ka dib markii gabadh la waayay lagu helay dhimatay agagaarka guriga qoyska ee Baidoa
Hiiraan Online