Lafta Gareen oo eedeyn culus u jeediyay Turkiga: Diyaaraddaha dagaalka F16 ayey ku duqeeyeen…
Nairobi (Caasimada Online) – C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen), Madaxweynihii isaga cararay maamulkii Koonfur Galbeed ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan inay qeyb ka ahaayeen rabshadihii ka dhacay Baydhabo ee xilka looga tuuray isaga, isla markaana ay Xasan Sheekh ku taageereen mudo kororsi iyo in xilka sii haayo. Lafta-gareen wuxuu […

C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen) ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay inay faragelin ku sameysay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan duqeymo ay F16 ku geysteen Baydhabo.
Maxaa la shaaciyey
- Lafta-gareen wuxuu sheegay in diyaaradaha dagaalka F16 ee Turkiga ay duqeeyeen dad shacab ah, iyadoo lix qof ay ku dhinteen.
- Wuxuu ku eedeeyay Turkiga in ay taageereen mudo kororsi uu Xasan Sheekh ku haysto xilka.
- Lafta-gareen wuxuu madaxweynaha Xasan Sheekh ku booriyay inuu qabto doorasho macquul ah.
Macnaha guud
Lafta-gareen ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Baydhabo iyo faragelinta Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya.
““Dowladda Turkiga waxaan ku eedeynaynaa waxaa ka mid ah in diyaaradahoodii in duulaan la inagu soo qaaday.””
Sababta ay muhiim u tahay: Qodobkan wuxuu muujinayaa isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriira faragelinta shisheeye.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Nairobi (Caasimada Online) – C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen), Madaxweynihii isaga cararay maamulkii Koonfur Galbeed ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan inay qeyb ka ahaayeen rabshadihii ka dhacay Baydhabo ee xilka looga tuuray isaga, isla markaana ay Xasan Sheekh ku taageereen mudo kororsi iyo in xilka sii haayo.
Lafta-gareen wuxuu si gaar ah u xusay in duulaankii lagu qabsaday Baydhabo in dadka shacabka ay ku waabiriisteen diyaaraddaha dagaalka F16 ee Turkiga oo dul heehaabayay hawada, isla markaana uu tilmaamay in ay duqeysay dad shacab ah oo ay ku dhinteen lix qof oo sedax ka mid ah ahaayeen aabo iyo labo caruur ah uu dhalay.
“Dowladda Turkiga waxaan ku eedeynaynaa waxaa ka mid ah in diyaaradahoodii in duulaan la inagu soo qaaday, xaqna uma laha in dad shacab ah oo masaakiin ah iyo ciidamadii dastuuriga ahaa ee Koonfur Galbeed inay ku handadaan diyaarad F16 ah oo la yiraahdo waa la idin duqeynayaa,” ayuu yiri C/casiis Laftagareen.
“Turkiga abaal ayaan uga haynaa inay dowladdihii Soomaaliya soo maray ay garab taagnaayeen xiliyo adag, weliba Soomaalida ayey taageeri jireen, laguma aqoon inay siyaasad taageeraan, laakiin hadda wax weyn ayaa iska badalay, waxay taageeraysaa Xasan Sheekh iyo maamulkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan