Maamulka Jubbaland oo Dhoobley ku Qabtay Dhalinyaro Lagu Eedeeyay Tahriib Sharci-darro ah
Dhoobley, Jubada Hoose – Ciidamada Booliska ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa gacanta ku dhigay koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen tahriib sharci-darro ah, xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah shabakadaha dadka ka ganacsada. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, dhalinyaradan oo ka soo safartay magaalada Muqdisho […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dhoobley, Jubada Hoose – Ciidamada Booliska ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa gacanta ku dhigay koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen tahriib sharci-darro ah, xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah shabakadaha dadka ka ganacsada.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, dhalinyaradan oo ka soo safartay magaalada Muqdisho ayaa doonayay inay si dhuumasho ah uga gudbaan xadka Soomaaliya iyo Kenya, si ay halkaas uga sii bilaabaan safar ay ku gaari lahaayeen dalka Liibiya, kahor inta aysan isku dayin inay u gudbaan qaaradda Yurub.
Ciidamada Booliska ayaa dhalinyarada ku qabtay bar-koontarool oo ku taalla waddada laga soo galo magaalada Dhoobley, kadib markii baaritaanno lagu sameeyay gaadiidkii ay saarnaayeen iyo dadka la socday.
Saraakiisha ayaa sheegay in markii hore la hakiyay gaadiidka kadib markii dadka saarnaa ay waayeen dukumiintiyo iyo dammaanad sharci ah oo u saamaxaysa inay magaalada ku galaan. Baaritaanno dheeraad ah oo ay sameeyeen qaybaha dambi-baarista ee booliska ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ay qorsheynayeen inay si sharci-darro ah uga gudbaan xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan