Macallin Mahdi oo fursad siyaasadeed ka dhex arkay taageerayaasha Arsenal – Sidee?
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa fursad siyaasadeed ka dhex arkay taageerayaasha kooxda Arsenal oo xalay magaalada Muqdisho ugu dabaal-degay guushooda horyaalkeedii ugu horreeyay Premier league 22 sano kadib. Taageerayaasha oo isugu baxay fagaaraha Taleex ayaa dhigay dibadbax wayn oo ay [&

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa fursad siyaasadeed ka dhex arkay taageerayaasha kooxda Arsenal oo xalay magaalada Muqdisho ugu dabaal-degay guushooda horyaalkeedii ugu horreeyay Premier league 22 sano kadib.
Taageerayaasha oo isugu baxay fagaaraha Taleex ayaa dhigay dibadbax wayn oo ay ku muujinayaan guusha ay xaqiijiyeen muddo dheer kadib. Hase ahaatee Macallin Mahdi oo baahiyay muuqaalka taageerayaasha ayaa uga faa’iideystay arrimaha siyaasadda ee taagan, isaga oo duray kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.
Qoraal kooban oo uu baahiyay Taliyaha ayaa waxa uu ku bogaadiyay sida ay taageerayaasha u banaanbaxeen, iyaga oo aan sameyn wax fawdo ah, wuxuuna tilmaamay in dowladdu ogoshahay dibadbax nabadeed, balse aysan marnaba ogolaan doonin in la carqaladeeyo amniga iyo xasiloonida caasimada.
“Isku soobax nabadeed waa kan caawa waddooyinka iyo fagaarayaasha magaalada isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo muujinayay farxad, raynrayn, iyo taageero mideysan.Bulshada oo isugu jirtay dhalinyaro, haween, waayeel, iyo carruur si ay taageero ugu muujiyaan kooxdooda,” ayuu yiri Macallin Mahdi.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan