Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Madaxa Hay’adda WHO Tedros oo booqday magaalada uu ka dilaacay cudurka Ebola

May 30(Jowhar)-Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa maanta gaaray magaalada Bunia ee xarunta gobolka Ituri oo ah magaalada uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee Ebola ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), isagoo ku boorriyay bulshooyinka halkaa ku nool inay hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah […]

SO
Madaxa Hay’adda WHO Tedros oo booqday magaalada uu ka dilaacay cudurka Ebola
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

May 30(Jowhar)-Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa maanta gaaray magaalada Bunia ee xarunta gobolka Ituri oo ah magaalada uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee Ebola ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), isagoo ku boorriyay bulshooyinka halkaa ku nool inay hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah cudur kaas oo kiisaskiisa la xaqiijiyay ay ku dhawaad ​​labanlaabmeen laba maalmood gudahood.

Waxa uu ka digay in caqabado badan ay jiraan – sababtoo ah waa Virus naadir ah oo ilaa hadda aan la helin wax tallaal ah, gobolka laftiisana waxaa ka taagan colaado, dad badanna ay ku barakaceen, taasoo qeyb ka qaadaneysa faafitaanka cudurka.

Maaddaama uu fayrasku si degdeg ah u faafayo, Midowga Yurub ayaa sahay caafimaad u diray Ituri, waxaana Maraykanku uu ku yaboohay in ka badan $112m.

Tedros, ayaa Kinshasa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha DRC Judith Suminwa Tuluka ka hor inta uusan u duulin Bunia, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dalka, oo marar badan la dagaallamay Ebola, uu mar kale xakameyn karo.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraladdadilaacaymagaalada
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.