Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soo
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda Soomaaliyeed.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo bahda warbaahinta.
- Maxamuud Cabdi Cali Ducaale wuxuu ka shaqeeyay Radio Muqdisho intii u dhaxaysay 1972 ilaa 1982.
- Wasiirka ayaa sheegay in geerida Marxuum Maxamuud ay ka dhigan tahay tiir weyn oo ka baxay bahda warbaahinta Soomaaliyeed.
“Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale wuxuu ka mid ahaa haldoorkii hormuudka u ahaa saxaafadda dalka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Geerida Maxamuud Cabdi Cali Ducaale waxay muujineysaa khasaaraha ka dhashay geeridiisa ee saxaafadda Soomaaliyeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale wuxuu ka mid ahaa haldoorkii hormuudka u ahaa saxaafadda dalka, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho intii u dhaxaysay 1972 ilaa 1982. Muddadaas, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim u ahaa horumarinta warbaahinta qaranka, isagoo sidoo kale ka qeyb qaatay kor u qaadidda wacyiga bulshada Soomaaliyeed iyo tayeynta mihnadda saxaafadda.
Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah warbaahinta madaxbannaan iyo warbaahinta caalamiga ah, oo ay ugu horreyso BBC-da Laanta Afka Soomaaliga, halkaas oo uu ka sii watay mihnaddiisa saxaafadeed.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in geerida Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ay ka dhigan tahay tiir weyn oo ka baxay bahda warbaahinta Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa aqoonyahan iyo rug-caddaa door muuqda ka soo qaatay kobcinta iyo horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.