Madaxwaynaha Algeria oo qaabilay wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo isaga…

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa la kulmay Madaxweynaha Algeria, Cabdimajiid Tabuun, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiir Cali Xoosh ayaa madaxweyne Cabdimajiid guddoonsiyey barqiyad gaar ah oo ka timid Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ee dhinacyada dimuqraadiyeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo xasilinta dalka.
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey martiqaadka iyo martigelinta qiimaha badan.
“Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh wuxuu madaxweyne Cabdimajiid uga mahadceliyey martiqaadka iyo martigelinta qiimaha badan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo isaga…
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo isaga iyo wafdigiisa ay booqasho rasmi ah kujoogaan dalka Algeria ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Algeria mudane Cabdimajiid Tabuun, iyaga oo ka wada hadlay; xiriirka taariikhiga ah ee labada dal walaalaha ah, iskaashiga iyo guud ahaan danaha labada dhinac.
Inta uu kulanku socday, Wasiir Cali Xoosh ayaa madaxweyne Cabdimajiid guddoonsiyey barqiyad gaar ah uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sidoo kale uga warbixiyey heerka iyo horumarada laga gaaray hortabinnada qaran iyo guud ahaan dedaallada dowladda Federalka ah Soomaaliya ee dhinacyada dimuqraadiyeynta, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, dib-u-habaynta maamulka, xasilinta dalka iyo dib-u-soo kabashada deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.
Kulankan uu sidoo kale qeyb ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi ayaa ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh wuxuu madaxweyne Cabdimajiid uga mahadceliyey martiqaadka iyo martigelinta qiimaha badan iyada sidoo kale dhanka Algeria ay kulanka goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare sida; Mudane Ibraahiim Muraad oo Wasiirka dowlaha dowladaha hoose, mudane Axmed Cadhaaf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Saciid Sactuun Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cammaar Ciba oo ah lataliye sare ee madaxweynaha ee dhanka Diblomaasiyadda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan