Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediasecurity

Madaxweynaha Jubaland oo booqday ciidamada Daraawiishta, kuna dhawaaqay howl-gallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab

Jannaa Cabdalle – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Ahmed Maxamed Islaam, ayaa maalintii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ku tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha hore, isagoo uga mahadceliyey dadaallada iyo heeganka joogtada ah ee ay [&#8230

SO
Madaxweynaha Jubaland oo booqday ciidamada Daraawiishta, kuna dhawaaqay howl-gallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Jannaa Cabdalle – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Ahmed Maxamed Islaam, ayaa maalintii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ku tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha hore, isagoo uga mahadceliyey dadaallada iyo heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca amniga iyo xoreynta deegaannada Jubaland. Wuxuu ku ammaanay ciidamada doorka ay ka qaadanayaan sugidda nabadda iyo ilaalinta shacabka.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay qorshaynayso dardargelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan la bilaabi doono howlgallo lagu xoreynayo deegaannada wali ay kooxdaasi ku sugan tahay.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan diyaar-garowgooda iyo dadaallada ay ugu jiraan la dagaallanka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ay helaan shacabka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliasecuritysecuritymadaxweynahajubaland
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.