Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Khalifa Xaftar: Lix Sano Kadib Isbeddel Siyaasadeed
Waxa dhacay
Hal il · Hiiraanweyn
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta magaalada Ankara ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada bariga Liibiya, Khalifa Xaftar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Lix sano ka hor, haddii la sheegi lahaa in Erdogan uu qaabili doono hoggaamiyaha ciidamada uu Turkigu dagaalka kula jiray, dad badan way adkaan lahayd inay rumaystaan.
- Sannadkii 2020, Turkigu wuxuu taageeray dawladda Liibiya ee fadhigeedu ahaa Tripoli, xilli ciidamada Khalifa Xaftar ay ku dhowaayeen inay caasimadda qabsadaan.
- Taageerada milatari ee Turkiga ayaa beddeshay isu-dheellitirkii awoodda dagaalka, waxayna joojisay gulufkii ciidamada Xaftar.Wuxuuna Turkiga ahaa cidda ka hor istaagtay Xaftar inuu wada qabsado dhulka Liibiya.
- Markii dambe, Turkigu wuxuu bilaabay inuu xiriir la yeesho dhinaca bariga Liibiya, si Liibiya looga saaro kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo tan milatari.

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Erdogan ayaa la kulmay Xaftar lix sano kadib markii Turkigu uu taageeray dawladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli.
- Taageerada milatari ee Turkiga ayaa beddeshay isu-dheellitirkii awoodda dagaalka, waxayna joojisay gulufkii ciidamada Xaftar.
- Ankara waxay isku dayaysaa inay mideyso ciidamada Liibiya si loo helo heshiis siyaasadeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Muuqaalkan wuxuu si kooban u muujinayaa macnaha dhabta ah ee oraahda caanka ah ee siyaasadda; Siyaasadda ma jiro cadow joogto ah, mana jiro saaxiib joogto ah.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta magaalada Ankara ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada bariga Liibiya, Khalifa Xaftar.
Lix sano ka hor, haddii la sheegi lahaa in Erdogan uu qaabili doono hoggaamiyaha ciidamada uu Turkigu dagaalka kula jiray, dad badan way adkaan lahayd inay rumaystaan.
Sannadkii 2020, Turkigu wuxuu taageeray dawladda Liibiya ee fadhigeedu ahaa Tripoli, xilli ciidamada Khalifa Xaftar ay ku dhowaayeen inay caasimadda qabsadaan.
Taageerada milatari ee Turkiga ayaa beddeshay isu-dheellitirkii awoodda dagaalka, waxayna joojisay gulufkii ciidamada Xaftar.Wuxuuna Turkiga ahaa cidda ka hor istaagtay Xaftar inuu wada qabsado dhulka Liibiya.
Markii dambe, Turkigu wuxuu bilaabay inuu xiriir la yeesho dhinaca bariga Liibiya, si Liibiya looga saaro kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo tan milatari.
Hadda Ankara waxay dhex-dhexaadin ka dhex waddaa labada dhinac, iyadoo isku dayaysa inay mideyso ciidamada Liibiya, taas oo gogol u noqon karta heshiis siyaasadeed oo soo afjara jiritaanka laba dawladood iyo laba ciidan oo iska soo horjeeda.
Waxaa jira wax kale oo ka xiiso badan muuqaalkan , warbaahinta SavunmaSanayiST, oo ka faalloota arrimaha milatariga iyo sirdoonka, ayaa maanta baahisay sheeko ay ku sheegtay inay ahayd bilowgii xiriirka iyo isu soo dhowaanshaha Khalifa Xaftar iyo Turkiga.
Sheekadu waxay dib ugu laabanaysaa xilligii dagaalka Liibiya. Sida ay warbaahintu sheegtay, intii uu dagaalku socday ayuu Xaftar si lama filaan ah ula kulmay xaalad caafimaad oo halis ah oo wadnaha la xiriirta.
Markii Turkigu ogaaday xaaladdiisa, waxaa degdeg loo diray cutub ka tirsan ciidanka Turkiga oo halkaas ku sugnaa, kuwaas oo Xaftar siiyay gargaar caafimaad oo degdeg ah, ilaa xaaladdiisu ka soo hagaagtay.
SavunmaSanayiST waxay sheegtay in dhacdadaasi ay noqotay bilowgii xiriirka iyo isu soo dhowaanshaha labada dhinac, taasoo maanta soo gaartay heer aan horey loo qiyaasin. Ciwaan kooban.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sano · khalifa · qaabilay