Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Madaxweyne Farmaajo oo ka digay xaalad siyaasadeed oo halis ah

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo uu sheegay in dalka wajahayo, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda hadda jirta. War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu ku sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn […

SO
Sawir war oo la xiriira Madaxweyne Farmaajo oo ka digay xaalad siyaasadeed oo halis ah
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo halis ah oo dalka wajahayo.

Maxaa la shaaciyey

  1. Farmaajo wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed.
  2. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda dowladda ku booriyay inay ilaaliyaan dastuurka iyo wadajirka shacabka.
  3. Hubanti la'aanta siyaasadeed ee jirta ayaa khatar ku ah mustaqbalka dalka.

Macnaha guud

Xaaladda siyaasadeed ayaa cakiran iyadoo ay jiraan walaacyo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda.

Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo xasillooni darro.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Muqdisho
2026-05-16

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo baahida loo qabo xasilooni.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo uu sheegay in dalka wajahayo, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda hadda jirta.

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu ku sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo xasillooni darro, isaga oo ugu baaqay madaxda dowladda inay ilaaliyaan dastuurka, wadajirka shacabka, iyo hanaanka dowladnimada.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in hubanti la’aanta siyaasadeed ee jirta ay khatar ku tahay mustaqbalka dalka, isaga oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuna tilmaamay inuu masuul ka noqon karo xaalad kasta oo siyaasadeed oo kasoo baxda muranka taagan.

Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka, iyadoo qaar kamid ah mucaaradka ay muujiyeen walaac la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralfarmaajodigaysiyaasadeed
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.