Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa diray farriin culus
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa farriin soo saaray ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda wayn ee Ciidul-Adxa isaga oo Alle ka baryay inuu naga aqbalo acmaasha wanagasan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay isku tanaasul iyo in la garab istaaggo dadka danta yar, si ay qayb […] The post Madaxweyn

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa farriin soo saaray ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda wayn ee Ciidul-Adxa isaga oo Alle ka baryay inuu naga aqbalo acmaasha wanagasan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay isku tanaasul iyo in la garab istaaggo dadka danta yar, si ay qayb uga noqdaan farxadda munaasabadda Ciida.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul. Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida oo uu ku amaanay doorka ay ka qaateen sugidda amniga dalka, maadaama ay naftooda u hureen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan