Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed
Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay xubno ka socday bulshada rayidka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka qof iyo codka ah. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay bulshada rayidku

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay xubno ka socday bulshada rayidka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka qof iyo codka ah.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qeybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka bulshada rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo madaxweynuhu uu ku bogaadiyay dadaallada ay bulshada rayidku ka geystaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan