Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhinacyada Soomaalida ugu hanjabay iney dalka ka guurayaan hadaan galabta heshiis la gaarin
May 14(Jowhar) Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah oo ku dhow dhow kulankii Xalane maanta ka dhacay, ka dib markii ay is mari waayeen dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh & Golaha Mustaqbalka, layskuna qabtay qodobka mudo xileedka la xariira & hanaanka kala guurka, wakiilada caalamiga ah ayaa si lama filaan ah usoo dhexgalay, iyagoo dhexda […]

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa hanjabay iney Soomaaliya ka guurayaan haddii heshiis la gaarin ka hor 15ka May.
Maxaa la shaaciyey
- Dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Golaha Mustaqbalka ayaa is mari waayay, taasoo keentay in wakiilada caalamiga ah soo dhexgalaan.
- Wakiilada caalamiga ah ayaa sheegay in haddii aan heshiis la gaarin, Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo cabsi leh.
- Golaha Mustaqbalka ayaa aqbalay in ay diyaar u yihiin maareynta marxaladda kala guurka ah.
Macnaha guud
Kulanka Xalane ayaa ka dhacay kadib markii ay is mari waayeen dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya.
“Haddii la gaaro 15ka May oo berrito ah, lana gaari waayo heshiis maareynta marxalad kala guurka ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khatarta ka imaan karta haddii heshiis la gaarin.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 14(Jowhar) Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah oo ku dhow dhow kulankii Xalane maanta ka dhacay, ka dib markii ay is mari waayeen dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh & Golaha Mustaqbalka, layskuna qabtay qodobka mudo xileedka la xariira & hanaanka kala guurka, wakiilada caalamiga ah ayaa si lama filaan ah usoo dhexgalay, iyagoo dhexda dhigay war culus oo saameyn weyn kulanka kuyeeshay, kaas oo ahaa.
In haddii la gaaro 15ka May oo berrito ah, lana gaari waayo heshiis maareynta marxalad kala guurka ah & hanaan laysku raacsan yahay oo kama dambeys ah ay dalalkooda u sheegi doonaan in ay Soomaaliya gashay marxalad cusub, taas oo cabsi badan leh, waxayna ka dhigan tahay in dalalkan sheegayaan in ay katagayaan Soomaaliya.
Wakiilada caalamiga ah ayaa si cad u sheegay in waajibaad ka saaran yahay hanaanka maalgalinta dowlad dhiska Soomaaliya, ayna waqti badan galiyeen kuna qasban yihiin in ay caasumadahooda u sheegaan marxalada cusub, taas oo ay sheegeen in kahor ay madaxda Soomaalidu waqti haystaan.
Marxaladan ayaa ka dhigan in dowladda mudo xileedkeedii dhamaaday, heshiisna lagu noqdo nooca dalka loo hagayo & ka heshiinta hanaanka doorashooyinka oo aysan cidna gaar u laheyn dookh siyaasadeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan