Markab shidaal u soo siday Muqdisho oo lagu afduubtay xeebaha Puntland
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Howlgallada Ganacsiga Badda ee militariga UK (UKMTO) ayaa faahfaahisay afduubka markab ganacsi oo ku sii jeeday dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo ay kooxo burcadbadeed ah ka qafaasheen xeebaha Bari ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sida uu ku waramay sarkaal ka tirsan UKMTO, markabka ayaa laga afduubtay xeebaha u dhaxeeya […] The pos

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Howlgallada Ganacsiga Badda ee militariga UK (UKMTO) ayaa faahfaahisay afduubka markab ganacsi oo ku sii jeeday dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo ay kooxo burcadbadeed ah ka qafaasheen xeebaha Bari ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Sida uu ku waramay sarkaal ka tirsan UKMTO, markabka ayaa laga afduubtay xeebaha u dhaxeeya Xaafuun iyo Bandar-beyla oo ka tirsan Puntland, isla markaana markabka oo shidaal u siday dekadda wayn ee magaalada Muqdisho uu kasoo shiraacday dekadda Berbera.
Hay’adda howlgallada ganacsiga badda ee milateriga UK (UKMTO) ayaa xaqiijisay in kooxo hubeysan oo loo badinayo inay yihiin burcadbadeeda Soomaalida inay markabka ula dhaqaaqeen xeebaha Puntland ee Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in markabkan laga leeyahay dalka Pakistan, uuna siday shixnad shidaal ah, balse lama shaacin tirada shaqaalaha saaran iyo dhalashada dalalka ay ka soo jeedaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan