Mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo lagu la’yahay Kosovo kadib markii…
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiDowladda Kosovo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiso ogaanshaha sagaal xubnood oo ka tirsan wafdiga Soomaali ah, kuwaas oo si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warqad diblomaasiyadeed oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kosovo ay u dirtay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadkaasi fiidkii 27-kii October, abbaaro 7:10 fiidnimo ay ka baxeen hoyga Dua Village, iyadoo aan lagu wargelin hay’adihii ku shaqada lahaa habraaca booqashadooda.
- Maqnaanshahooda ayaa la ogaaday maalintii xigtay, xilli mas’uuliyiinta Kosovo ay diyaarinayeen gaadiidkii u qaadi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Prishtina, halkaas oo loogu talagalay inay ka raacaan duulimaadkii ay dalka kaga bixi lahaayeen.
- Baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujiyay inay iskood uga tageen hoygoodii, waxaana suuragal ah inay u safreen goob kale oo gudaha Kosovo ah.
- Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in isku-dayo kala duwan oo ay ku doonaysay inay xog uga hesho mas’uuliyiinta sare ee wafdiga Soomaalida aysan wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo ilaa xilliga warqadda la diyaarinayay aan la hayn xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xaalad walaac leh oo ku saabsan badqabka iyo halka ay ku sugan yihiin mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee Kosovo, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha ka dambeeya baxsiga lama filaanka ah ee wafdiga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Kosovo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiso ogaanshaha sagaal xubnood oo ka tirsan wafdiga Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina.
- Wafdiga Soomaaliya ayaa Kosovo gaaray 25-kii October, waxaana ka baxeen hoygoodii fiidkii 27-kii October.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in isku-dayo kala duwan oo ay ku doonaysay inay xog uga hesho mas’uuliyiinta sare ee wafdiga Soomaalida aysan wax natiijo ah ka soo bixin.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kosovo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiso ogaanshaha halka ay ku sugan yihiin sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina, iyaga oo aan ogeysiin mas’uuliyiinta dalkaas.
Warqad diblomaasiyadeed oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kosovo ay u dirtay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadkaasi fiidkii 27-kii October, abbaaro 7:10 fiidnimo ay ka baxeen hoyga Dua Village, iyadoo aan lagu wargelin hay’adihii ku shaqada lahaa habraaca booqashadooda.
Maqnaanshahooda ayaa la ogaaday maalintii xigtay, xilli mas’uuliyiinta Kosovo ay diyaarinayeen gaadiidkii u qaadi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Prishtina, halkaas oo loogu talagalay inay ka raacaan duulimaadkii ay dalka kaga bixi lahaayeen.
Baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujiyay inay iskood uga tageen hoygoodii, waxaana suuragal ah inay u safreen goob kale oo gudaha Kosovo ah. Hase yeeshee, ma aysan gaarin qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha oo loogu diyaariyay bixitaankooda.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in isku-dayo kala duwan oo ay ku doonaysay inay xog uga hesho mas’uuliyiinta sare ee wafdiga Soomaalida aysan wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo ilaa xilliga warqadda la diyaarinayay aan la hayn xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin.
Wafdiga Soomaaliya ayaa Kosovo gaaray 25-kii October, waxaana garoonka diyaaradaha Prishtina ay ka degeen abbaaro 7:45 fiidnimo, iyadoo wafdiga ay hoggaaminayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Siciid Maxamed Maxamuud iyo Wasiir-ku-xigeenka Dekedaha, Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
Labada mas’uul ee hoggaaminayay wafdiga ayaa Kosovo ka baxay 28-kii October, iyadoo Siciid Maxamed uu baxay saacadihii hore ee maalintaas, halka Fartuun Cabdulqaadir ay dalka ka ambabaxday fiidnimadii isla maalintaas.
Ilaa waqtigii warqadda Kosovo la diyaarinayay, dowladda dalkaas waxay sheegtay inaysan hayn xog rasmi ah oo xaqiijinaysa xaaladda sharci ee sagaalka qof, halka ay ku sugan yihiin ama inay gebi ahaanba ka baxeen dhulka Kosovo, waxayna walaac ka muujisay badqabka iyo xaaladda nololeed ee dadkaas.
Dowladda Kosovo ayaa hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaaliya ugu baaqday inay arrintan mudnaan gaar ah siiyaan, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ogaanshaha halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin iyo xaqiijinta ammaankooda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Kosovo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiso ogaanshaha sagaal xubnood oo ka tirsan wafdiga Soomaali ah, kuwaas oo si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Kosovo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiso ogaanshaha sagaal xubnood oo ka tirsan wafdiga Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina.
- Wafdiga Soomaaliya ayaa Kosovo gaaray 25-kii October, waxaana ka baxeen hoygoodii fiidkii 27-kii October.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in isku-dayo kala duwan oo ay ku doonaysay inay xog uga hesho mas’uuliyiinta sare ee wafdiga Soomaalida aysan wax natiijo ah ka soo bixin.
- Ilaa waqtigii warqadda Kosovo la diyaarinayay, dowladda dalkaas waxay sheegtay inaysan hayn xog rasmi ah oo xaqiijinaysa xaaladda sharci ee sagaalka qof, halka ay ku sugan yihiin.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo jeediyay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid wafdiga Soomaaliya oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid dowladda Kosovo iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda sagaalka mas'uul ee Soomaaliyeed weli ma cadda waxayna u baahan tahay fiiro gaar ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha ka dambeeya baxsiga lama filaanka ah ee wafdiga?
- Ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin sagaalka qof?
- Maxay yihiin tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadayso si ay uga caawiso xaaladdan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xaalad walaac leh oo ku saabsan badqabka iyo halka ay ku sugan yihiin mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee Kosovo, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mas · kosovo · uuliyiin