Maxaa maanta ka dhacay Baydhabo kadib dagaalkii cuslaa? + Sawirro
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay saaka ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa galabta lagu dhaariyay xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhawaan uun lasoo doortay. Munasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qayb-galay hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Jibriil Cabdiras

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay saaka ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa galabta lagu dhaariyay xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhawaan uun lasoo doortay.
Munasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qayb-galay hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Jibriil Cabdirashiid Xaaji, musharrixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Odayaal dhaqameedyo, qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale.
Xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada ayaa si si rasmi ah loogu dhaariyay gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla, iyaga oo kadib guda geli doono howlahooda.
Hogaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo madasha ka hadlay ayaa xubnaha la dhaariyey kula dardaarmay inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka shaqeeyaan xoojinta dowladnimada, amniga, horumarka iyo wadajirka bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan